Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muuqaal:-Dowlada Somaliya oo lagu eedeeyay in ay beecinayso Saliida Somaliya
    Somalia

    Muuqaal:-Dowlada Somaliya oo lagu eedeeyay in ay beecinayso Saliida Somaliya

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 3, 2019Updated:February 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Cabdirashiid Maxamed Axmed Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya oo la hadlay Tv-ga Universal, ayaa wuxuu sheegay Shirka London lagu qabanaayo in lagu soo bandhigaayo kaliya sahmin Shidaal oo sanadkii 2013-kii & 2015-kii laga sameeyay Somaliya.

    Wuxuu tilmaamay sahankaasi baarista Shidaalka in laga sameeyay Kismaayo illaa Magaalada Hobyo dhanka Badda, sidaasi awgeedna aysan jirin Shidaal lagu xaraashaayo Shirkaasi oo dhacaya 7-da Bishan.

    โ€œShirkan wuxuu daba socday Shir aan anaga ka qaybgalnay oo Capetown lagu qabtay oo ay isugu yimaadaan wadamada Afrikaanka ee Shidaalka leh & Shirkadaha soo saara Shidaalka, Shirkaasi markii aan tagnay November 2018-kii waxaan la fariisanay Shirkadihii caalamiga ahaa, waxaa noo soo baxday maadaama anaga Baaritaano dhawr ah lama sameeyay Sahanka badda Somaliya in aan soo bandhigno macluumaadkii laga haayay sahankii la sameeyay 2013-kii & 2015-kii.

    โ€œSida aan horay u sheegay Shirkaan aniga ayaa ka iclaamiyay Capetown, waana kaliya soo bandhigada sahanka laba jeer laga sameeyay badda Somaliya, laga soo bilaabo Kismaayo illaa Hobyo inta dhimana waa la soo bandhigayaa, mana jirto wax la xaraashaayo oo Shidaal Somali ah.โ€ Ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Somaliya.

    Bulshada qaybaheeda kala duwan iyo Xisibiyada mucaaradka ah,ayaa aad uga hor yimid shirkaas ,isla markaana ku tilmaamay in uu yahay mdi lagu beecinayo Saliida Somaliya,iyadoon laga wada tashan,lagana heshiin oo aan laga baraan dagin,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/universalsomalitv/videos/378472172731821/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.