War ka soo baxay Al-shabaab ayaa waxaa looga hadlay dil saakay ka dhacay Magaalada Boosaaso ee Gobalka Bari.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dil loo geystay Paul anthony Fermosa oo ahaa madaxii Shirkada DP World ee Dekeda Magaalada Boosaaso.
Qoraalka Al-shabaab ayaa waxaa lagu sheegay in weerarrada noocan oo kale ah uu yahay mid ka dhanka ah Sharikadaha shisheeye ee ay sheegeen in ay guranayaan kheyraadka Dalka.