Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladaha Malta iyo Imaaraadka oo ka hadlay dilkii Paul
    Somalia

    Dowladaha Malta iyo Imaaraadka oo ka hadlay dilkii Paul

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 5, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Malta  ayaa xaqiijisay geerida Muwaadin u dhashay dalkooda oo lagu magacaabo Paul Anthony Formosa, kaasi oo ahaa Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda  DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso.

    Hadal-qoraal oo ka soo baxay Malta ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socon doonaan dhacdadaasi, isla markaana ay shaacin doonaan wararka dheeraad ee ku aadan baaritaanka Dilkaasi.

    Xisbiga Waddaniyadda ee dalka Malta waxa uu Dowladda dalkaasi ku booriyey inay xiriir la sameeyaan Muwaadiniinta kale ee Malta ee ku sugan gudaha Somalia iyo in baaritaan buuxa lagu sameeyo dilkii Paul Anthony Formosa.

    Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in weerarka lagu dilay Madixii Dekedda Bosaaso ay ku dhaawacmeen 3 qof oo ka tirsanaa shaqaalaha Shirkadda DP World.

    Hadal-qoraal oo ay Dowladda dalkaasi soo saartay ayaa lagu shegeay inay ka war dhowrayaan baaritaan haatan ay Maamulka Puntland ku hayaan dhacdadii dilka ee shalay ka dhacday Dekedda Bosaso.

    Wararka ugu dambeeyey waxay sheegayaan in maydka Madixii Shirkadda &O Ports ee hoos tagta Shirkadda  DP World ee Mashruuca Dekedda Bosaaso, Paul Anthony Formosa la filayo in maanta loo duuliyo dalka Imaaraadka Carabta, si loogu sii gudbiyo dalkiisa hooyo ee Malta.

    Paul Anthony Formosa oo 52-jir ahaa waxa uu ka soo jeedaa magaalladda MARSASKALA ee dalka Malta, wuxuuna xilka Madixii Shirkadda P & O Ports ee magaalladda Bosaaso hayey tan iyo sanadkii 2017-kii

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    December 14, 2025

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    December 14, 2025

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    December 14, 2025
    Latest Posts

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Ciidamada Puntland oo qabtay Doon siday Agabka qaraxyada laga sameeyo

    Sharcigii magangalyada TPS-ta Itoobiya oo la joojiyay

    Faallo:-Dagaalkii Sadexaad ee aduunka miyaa qarka loo saaran yahay….

    Hardanka Maraykanka iyo Shiinaha Ee Laatiin America iyo saamaynta Venezuela

    Xasan oo isku dayaya in uu helo mudo kororsi sharcidaro ah

    Faallo:-Deni”Waa Madaxweynaha badalaya Xasan”

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.