Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shirka shidaalka iyo khataraha dul hoganaya!!
    Somalia

    Video:-Shirka shidaalka iyo khataraha dul hoganaya!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 6, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa toddobada bishan Febraayo lagu wadaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka dhaco shir lagu soo bandhigi doono maclumaad la xiriira sahmin shidaal oo laga sameeyay Soomaaliya.

    Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowladda federaalka ee Soomaaliya ayaa natiijada sahanka waxaa soo bandhigi doonta shirkadda Spectrum.

    Inkastoo shir kan lamid ah horay loogu qabtay dalka koonfur Afrika, loogana hadlay shidaalka Soomaaliya ayaa haddana waxaa arrintan walaac ka muujiyay qaar kamid ah axsaabta siyaasadda Soomaaliya oo shirkaasi ku tilmaamay mid lagu “xaraashayo” kheyraadka dalka.

    Hogaamiyaha xisbiga wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo war saxaafadeed uu kaga hadlayo arrintan soo saaray ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay sharci darro, warbixinta sahminita shidaalka na horay loogu soo bandhigay Koonfur Afrika, waxa hadda London lagu qabanaya na uu yahay sidii xirmooyinka shidaalka ee Soomaaliya loo “xaraashi” lahaa.

    “Waxaa sharci daro ah in la qabto shir lagu xaraashayo (Auction) ama beecinayo shidaalka Soomaaliya, iyadoo sharcigii Batroolka iyo Khayraadka aysan 2-da aqal ee Baarlamaanku meelmarin, lana dhisin hay’addii iyo golayaashii laga maarmaanka u ahaa ilaalinta shidaalka iyo Macdanta Soomaaliya”. Ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka.

    Xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale sheegay in ujeedka shirka London uusan ahayn sida dowladdu ay sheegtay.

    “Xukuumadu waxay soo saartay qoraal ay ku sheegayso in ujeedka shirka uu yahay xog wadaag, laakiin waxaan tuhun ka qabnaa qoraalka shirkada (Spectrum) ee cadaynaya in ujeedku yahay iibinta xirmooyin shidaal, maadaama shirkii soo bandhigidda xogta shidaalka Soomalaiya horay loogu qabtay wadanka Koonfurta Afrika. Waxaan xukuumada ku wargelinaynaa in hawlaha sidaan xasaasiga u ah ay u baahan yihiin wadatashi iyo aragti midaysan oo xooggaga siyaasadeed isla meel dhigaan. Ma aha hawl ay xukuumadu kaligeed go’aansan karto, maadaama ay waxa miiska saarani yihiin hanti Qaran”. Ayuu raaciyay xisbiga wadajir.

    Hasayeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa baddalka shirka London soo jeediyay in marka hore la sameeyo arrimo ay kamid yihiin:

    1. In la dhiso Golaha Khayraadka dalka, oo ah golaha ugu sarreeya ee lagu lafa guro Arrimaha khayraadka ee u baahan in laga heshiiyo, waxaana xubno ka ah madaxda fulinta ee heer Federaal iyo heer dowlad goboleed.

    2) In la dhiso Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, taasoo lagu dhisayo sharci gooni u ah waxayna ka shaqayn doontaa wada hadallada heshiisyada, diyaarinta shatiyadda, kormeerka, hubinta iyo hirgelinta sharciyadda Batroolka. Xukuumadu ma dhisin hay’adaas.

    3) In la dhiso Shirkadda Shidaalka Soomaaliyeed (Somali National Oil CompanySONOGRAM) oo ah shirkad ay yeelanayso Dawlada Soomaaliya oo masuul ka noqonaysa sahminta, dhismaha kaabayaasha shidaalka, sifeynta, soo saarida iyo suuq gaynta, rasumaalka iyo wadaaga saamiyada shirkada, taasoo lagu qeexayo sharci gaar ah.

    Wasiirka Macdanta iyo Batroolka ee Somaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed,ayaa dhankiisa sheegay in sahankii la sameeyay uu muujinayo in Somaliya laga helay cadeymo muujinaya shidaal, shirka London-na lagu soo bandhigi doono.

    “Tallaabada xigta ee la qaadayo (Shirka kadib) waxay tahay, in shidaal in lasoo saaro wuxuu u baahan yahay sharciyad, xeerarkii in ay diyaar yihiin, waxaana barlamaanka kala shaqeyneynaa in aan dhameystirno sharcigii shidaalka ee Somaliya oo dib u eegis lagu sameeyay, kadib ayaan bilaabi karnaa howlihii kale, shirka waa mid shirkadaha caalamiga ah loogu sooo jeedinayo inay arkaan kheyraadka dhulkeena”. Ayuu yiri Wasiirka Batroolka ee Somaliya.

    Somalida ma ku heshiisay qeybsiga kheyraadka Dalka?

    Wasiir Cabdirashiid,ayaa sheegay inay jiraan shuruuc ku saleysan sahmintii shidaalka ee Badda, kaasi oo lasoo saaray sanandkii 2008-dii, waxaana uu intaa raaciyay in sharcigaasi dib u eegis lagu sameeyay.

    “Waa jira heshiis rasmi ah oo Dowladda Fadaraalka ee Somaliya ay la gashay Dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka sannadkii hore, bishii Juun 5-teedi, kaasi oo lagu saxiixay heshiiska la haanshaha maamulka iyo wadaagga kheyraadka Batroolka iyo Macdanta Somaliya oo ay ku caddahay dhamaan ciddii maamuli laheyd, yaa iskaleh, sidee loo kala qaadanayaa, dowlad goboleedyada maxay qaadanayaan, dowladda dhexe maxay maamuleysaa, dowlad goboleedka aan waxba soo saarin muxuu heli doonaa , intaasi oo dhan iyadoon wali wax xisabaad ah soo bixin ayaa lagu heshiiyay”. Ayuu raaciyay Wasiirka.

    Waxaa muuqata in Dowladaah xubnaha ka ah Dowlada Fadaraalka aysan ka hadlin shirkan oo ay ku qanacsan yihiin,

    Dhanka kale waxaa London gaaray wafti uu hogaaminayo Gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka Fadaraalka Muudey,kuwaasoo shirka qayb ka noqon doonaa,tagistooda goobta shirkuna waxay sii xoojinaysaa tuhunka ah in uu jiro wax la qarinayo oo ku aadan iibka shidaalka Somaliya.

    Khatarteeda ayay leedahay iyadoon loo marin wadadii saxda ahayd in Dowlada Fadaraalku ku deg-degto xaraash ay ku samayso shidaalka Somaliya.

    Isku soo wada duuboo waxaa niyad sami u noqon kara shacabka daalna ee baahida uqaba Shaqo abuur iyo adeegii asaasiga ahaa sida Xisbiyada Mucaaradku u feejigan yihiin xogaha shidaalka banaankana usoo dhigeen guud ahaan xogta shidaalka.

    Jibril Qoobey.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/i455353/videos/10156891505481878/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.