Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AKHRISO: Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadashay Dilkii Paul loogu geystay Boosaaso.
    Somalia

    AKHRISO: Dowladda Imaaraadka Carabta oo ka hadashay Dilkii Paul loogu geystay Boosaaso.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 9, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ABU DHABI (IDIL NEWS)-Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay inay si kulul u Cambaaraynayaan weerarkii isbuucii hore lagu dilay Paul Anthony Formosa oo ahaa Maareyihii shirkadda P&O ee Dekada Boosaso  ee Xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

    War qoraal ah ooo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu sheegay inay la xiriireen Hayโ€™adda P&O Ports ee hoostagta Shirkadda DP World, una gudbiyeen Tacsida geeridii Paul Anthony Formosa oo u dhashay dalka Malta.

    Sidoo kale, Qoraalka kasoo baxay Imaaraadka Carabta ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan baaritaanada haatan socda ee loogu dabagalayo  qaabkii uu u dhacay dilkii Paul.

    Qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo  Iskaashiga Caalamiga ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa lagu muujiyey inay Imaaraadka ka soo horjeedaan dhamaan noocyadda falalka colaadeed, iyado odhanka kalena lagu xusay baahida loo qabo inay Beesha Caalamka u midoobaan  La-dagaalanka waxa ay ugu yeereen Cabsida Xag-jirka ee khatarta ku ah Ammaanka iyo Deganaandhaha dhamaan Dalalka Caalamka.

    Ugu dambeyntii, Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa ugu baaqday Dowladda Puntland inay  muhiimad gaar ah siiyaan bad-baadada Shaqaalaha ka hawl-gala Dekedda Magaalada Boosaaso, si ay maalgashiga Dekedaasi uga faaโ€™ideystaan Ummadda Soomaaliyeed.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.