Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiisyo cusub.
    Somalia

    Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiisyo cusub.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 10, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    IZMIR ( IDIL NEWS)-Wasiirka Beeraha iyo  Waraabka Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa dalka Turkiga  gaar ahaan Magaalada Izmir kulan kula yeeshay  Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalkaasi Mudane Bekir Pakdemirli, waxeyna ka wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada wasaaradood.

    Kulanka oo yimid kadib marti qaad  uu Wasiirka Beeraha iyo Cuntada dalka Turkiga  u fidiyey  Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Siciid Xuseen Ciid ayaa diiradda lagu saaray  iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, iyo dardar galinta heshiisyo iskaashi oo ay labada Wasaaradood horey u galeen,  Wasiir Ciid ayaana dhigiisa dalka Turkiga ka dalbaday in si dhaqso ah loo hirgeliyo  mashruuca biyo xireenka  magaladda Jowhar iyo dib u dhiska kaabayaasha beeraha oo ay labada dowladood horey ugu heshiiyeyn iyadoo arintaasna uu aqbalay wasiirka beeraha ee dalka Turkiga oo ballan qaaday in qorshahaasi si dhaqso ah loo fulin doono.

    Kulanka labada wasiir ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale la isku afgartay  in xaruumaha cilmi baarista iyo fidinta beeraha dalka Turkiga lagu tababaro shaqaalaha wasaaradda iyo  qeybaha kala duwan ee beeraleyda  Soomaaliyeed iyo in la dhiso guddi farsamo oo labada Wasaaradood ka kala tirsan  kana kooban 10 qof.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.