Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Boqolaal Caruur Ah Oo Cudur Halis Ah Ugu Dhintay Congo.
    Somalia

    Boqolaal Caruur Ah Oo Cudur Halis Ah Ugu Dhintay Congo.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BRAZZAVILLE (IDIL NEWS)-War ay soo saartay Hay’adda Save The Children ayaa lagu sheegay in Ku dhawaad boqol carruur ah oo ku nool bariga dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ay ugu dhinteen cudurka Ebola,iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto.

    Save the Children oo ah Hay’adda samafalka ee ka shaqeysa arimaha caruurta ayaa ka digaysa in haddii aan degdeg wax looga qaban xanuunkaasi ay qaadan doonti ilaa sanad in lala tacaalo,waxaana soconaya dadaalo xoogan oo looga hortagayo fiditaanka cudurkaasi.

    Dalka Conga ayaa la sheegaya In guud ahaan tirade dhimashada ah ay gaarayso ilaa  shan boqol oo qof oo la xaqiijiyay in ay cudurka Ebola ugu dhinteen dalkaasi Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo,dowladda Congo ayaana sheegaysaa in cudurkan uu yahay kii ugu ballaarnaa ee abid soo mara dalkaasi.

    Warka ay soo saartay Hay’adda Save the children ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid ka mid ah shantii qof ee uu cudurka ku dhacay uu yahay ilmo u badan kuwa ka yar da’da shan jirka.

    Wadanka Dalka Congo ayaa marar badan la tacaalay cudurka Ebola,hase ahaatee waxaa la sheegayaa in xaaladda haatan ay tahay midi ugiu darnayd abid soo marta dalkaasi.

    Dhanka kale maleeshiyaadka ka dagaalama dalkaasi Condo ayaa la sheegayaa in ay caqabad ku yihiin amniga dadka dhaqaatiirta ah ee la tacaalayaa cudurkaasi,taasi oo keenysaa in ay is hortaagaan howlwadeenada caafimad.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.