Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»DF Soomaaliya oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.
    Somalia

    DF Soomaaliya oo sheegtay iney dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 11, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Batroolka iyo macdanta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii loo soo saari lahaa Kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

    Wuxuu sheegay Wasiirka Batroolka iyo Macdanda Dowladda Federaalka in arrintaan loo marayo shuruuxda dalka iyo xeerarka caalamiga ah.

    Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay magaalada Lodon halkaasi oo uu kula hadlayay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Ingiriiska,isagoona faah faahin buuxda ka siiyay shirkii arrimaha shidaalka Soomaaliya ee lagu soo gabagabeeyay magaalada London.

    Isagoo hadalkiisa sii wato ayuu Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed wuxuu xusay in ahmiyadda shirkaasi uu ahaa in la isku waydaarsado macluumaadka baaritaanada laga sameeyey Soomaaliya ee ku aadan Shidaalka,shirkadaha arrintaasi danaynayana loo bandhigo.

    Ugu danbeyntii,Wasiirka ayaa xusay in shirkan laga faafiyey macluumaad aan sax ahayn, balse xaqiiqdu ay tahay in dawladdu doonayso si hufan oo lagu wada kalsoonaan karo in loo maro geedi socodka shidaal baarista iyo soo saaristiisaba.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    June 21, 2025

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.