Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Golaha Wasiiradda Cusub ee Dowladda Puntland oo la dhaariyey (Daawo)
    Somalia

    Golaha Wasiiradda Cusub ee Dowladda Puntland oo la dhaariyey (Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 12, 2019Updated:February 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland ee uu dhowaan soo magacaabay Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

    Dhaarinta Golaha Xukuumadda cusub ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dawladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland Dr.Yuusuf Xaaji Nuur, xubno ka tirsan Maxkamadda sare ee Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland, Waxaa goob joog u ahaa dhaarta 44 Wasiir, 4 Wasiir oo qaarkood dalka dibaddiisa jiraan kuwona cudurdaar shaqo sheegteen ayaan joogin dhaarta.

    Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay dhaarta kadib Golaha Xukuumadda dowladda Puntland, waxaana uu Madaxweynuhu kula dardaarmay Wasiirada cusub inay si hufan, daacad ah, hawl-karnimo ah, sharciya ugu adeegaan diinta, dalka iyo dadkoodaba.

    Sidoo kale Madaxweynaha ayaa u sheegay Golahan Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba, islaโ€™ markaana waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey in ay ka feejignaadaan waxkasta oo ka xagal daacinaya shaqadooda.

    Ugu danbay, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Xukuumadda cusub inuu ku asturo shaqadooda, kana yeelo kuwii si daacada, oo wanaagsan uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan ka Daawo.

    https://youtu.be/2jewnyEOn_I

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.