Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo soo Gaba-gabeeyay Safarkiisii Addis Ababa.
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo soo Gaba-gabeeyay Safarkiisii Addis Ababa.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 12, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib ka qayb-galkiisii Shir Madaxeedka 32-aad ee Midowga Afrika oo shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Addis Ababa.

    Shir Madaxeedka Midowga Afrika ee sannadkan waxaa diiradda lagu saaray arrimaha qaxootiga iyo barakacayaasha iyo sidii xal waara loogu heli lahaa dhibaatooyinka ay la nool yihiin.

    Madaxweyne Farmaajo oo Shirka khudbad ka jeediyay ayaa soo bandhigay qorshaha dowladda ee ku aaddan qaxootiga iyo barakacayaasha, isaga oo dalalka Afrika u soo jeediyay inay qaxootiga u fududeeyaan xuquuqda lahaanshaha dhulka, isu socodka, adeegyada waxbarashada iyo caafimaadka iyo sharciyada muhiimka u ah.

    Midowga Afrika ayaa soo saaray goโ€™aan ay ku taageerayaan dayn cafiska Soomaaliya, waxayna baaq u direen hayโ€™adaha maaliyadeed ee caalamka iyo waddamada Soomaaliya daynta ku leh, iyaga oo sheegay in dayn cafisku uu qayb weyn ka qaadan karo xal-u-helidda dhibaatada barakacayaasha ee Soomaaliya.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa muddadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxa uu shir doceedyo la yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea, Uganda iyo Koonfur Afrika, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyne K/Xigeenka Midowga Yurub iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar, isaga oo kala hadlay sidii uu u dhexmari lahaa xiriir iyo iskaashi miradhal ah.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.