Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Gen. Muxyadiin “Argagixisadu waxay gashay Goobaha Waxbarashada”
    Somalia

    Gen. Muxyadiin “Argagixisadu waxay gashay Goobaha Waxbarashada”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 13, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BOOSAASO (IDIL NEWS)-Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland Gen. Muxyadiin Axmed Muuse, ayaa ka hadlay Howl-gallo culus oo ciidamada ammaanka Puntland maalmihii lasoo dhaafay ay ka wadeen  Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Dowladda Puntland.

    Muxudiin Axmed Muuse, ayaa sheegay dadka dilalka ka gaysta Boosaaso ay wax ka bartaan Jaamacadaha, Macaahida iyo dhamaan goobaha kale ee waxbarashada.

    โ€œArgagixisadu waxay gashay Jaamacadaha, waxay gashay macaahida, waxay gashay iskuulada, waxay gashay, meel kasta ayay gashay, marka meel kasta oo ay gasho waa lala gelayaa, cid kastoo shaki laga qaadana waa la baaraya.โ€Ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Booliska Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Gen. Muxyadiin, ayaa tilmaamay Ciidamada ammaanka inay ku guuleysten soo qabashada nin dil u gaystay shaqsi ganacsade ahaa oo lagu dilay Bartamaha Magaalada Boosaaso.

    โ€œNin ganacsada baa magaalada lagu dilay, ciddii dishay, qorigii lagu dilay dhammaan waa haynnaa, waxaanna rajaynayaa haddii Ilaah idmo, maanta inaan soo bandhigi doonoโ€ ayuu yiri Gen. Muxiyadiin.

    Ciidamada ammaanka Dowladda Puntland ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay Dilkii Maareeyihii Dekedda Boosaaso ee Shirkadda P&O Pual, xoojiyay howl-galada ka dhanka ah Maleeshiyaadka Argagixisada ah, waxaana ay gacanta ku dhigeen kooxo dhagar qabayaal ah.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.