Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Shirkii Taliyeyaasha AMISOM uga socday Muqdisho oo qodobo laga soo saaray (Akhriso)
    Somalia

    Shirkii Taliyeyaasha AMISOM uga socday Muqdisho oo qodobo laga soo saaray (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay shir socday 5 maalin, kaasoo ay lahaayeen Taliyayaasha Amisom, Milatariga Soomaaliya, Wakiilo ka socday Qaramada Midoobe, Midowga Afrika iyo qaar kamid ah dalalka taageera Soomaaliya.

    Shirka oo diirada lagu saarayay qorshaha ka bixista Amisom ee dalka, qaadista weeraro ka dhan ah Shabaab iyo sidii loo dhisi lahaa Ciidamada Xoogga dalka ee Soomalaiya, ayaa waxaa laga soo saaray War-Murtiyeed dhowr qodob ka kooban.

    Waxyaabaha ugu waa weyn ee Saraakiishii shirsaneyd ay isla qaateen waxaa kamid ah in weeraro aan kala joogsi leheyn lagu ekeeyo meelaha ay Shabaab ka soo abaabulaan weerarada ka dhanka ah Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom

    โ€œQorshe howleedka aan isku raacnay waxaa uu ka koobanyahay  qorshe howled isku xiran si lootaageero qorshaha kala guurka Dowladda Soomaaliya, ka saaridda Al-shabaab meelaha ay ku dhuuntaan, ilaalinta xarumaha dadka rayidka ahโ€ ayuu yiri  Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM.

    Waxa uu Simon Mulongo soo hadal qaaday qorshaha kala guurka Soomaaliya, isagoo sheegay in loo wjaahayo 3 waji oo kala ah:

    In laga hortago weerarrada AL-shabab,lana kordhiyo howlgallada lagu furayo waddooyinka dhulka ah, si ciidanka Dowladda looga taageero la wareegidda amniga dalka ee muddada dheer.

    in amniga xarumaha muhiimka ah ee Muqdisho lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya.

    In la dar dar geliyo qorshaha dhimista Ciidanka Amisom ee dalkan ku sugan

    Qorshaha la dajiyay si loogu guuleystao ayuu sheegay ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee AMISOM in lagama maarmaan ay tahay in lala shaqeeyo Taliyayaasha Ciidamada Soomaalida.

    Gen. Charles Tai Gituai, oo ah Taliye ku xigeenka AMISOM sidoo kalena ah madaxa dejinta qorshaha howlgallada ayaa sheegay  in loo baahanyahay wada shaqeynta labada dhinac si qorshahan ka dhanka ah Al-shabaab loogu guuleysto.

    Ugu danbeyn waxaa shirka soo xiray Taliyaha guud ee Ciidanka AMISOMย  Gen. Tigabu Yilma Wondimhunegn, ย isagoo sheegay in maqnaanshaha xogo ka yimaada dhinaca Saraakiisha Soomaalida ay keeni akrto inaan laga guuleysan Al-Shabaab.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.