Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowlada Kenya oo soo eriday Safiirkii Somaliya una yeeratay keedii Muqdisho(Daawo)
    Somalia

    Dowlada Kenya oo soo eriday Safiirkii Somaliya una yeeratay keedii Muqdisho(Daawo)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 16, 2019Updated:February 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Kenya,ayaa ku amartay Danjiraha Soomaaiya u fadhiya Kenya in uu deg-deg ugu laabto dalkiisa,halka keedii Muqdisho u fadhiyayna ay uyeeratay.

    Waxay dowladda Kenya sheegtay in tallaabadan ay jawaaab u tahay goโ€™aanka ay dowladda Soomaaliya 7-dii bishan ku xaraashtay London xirmooyin shidaal ah oo ku yaala dhul badeed ay Kenya leedahay,waa sida ay sheegatay Kenya.

    Dowladda Somaliya ay dhawaan magaalada London ee dalka Ingiriiska kusoo bandhigtay maclumaad la xiriira “sahmin shidaal” oo ay sheegtay in laga sameeyay dhanka badda, waxaana maclumaadkaasi soo bandhigtay shirkadda Spectrum ee laga leeyahay dalka Mareykanka.

    Kenya ayaa sheegtay in Soomaaliya ay kusoo xad-gudubtay, sidoo kalena ay damaanad qaad u qaadatay taageerada ay siiso.

    Balse dadka ka faalooda arrimaha diblomaasiyadda ayaa aaminsan in Kenya ay ku “fududaatay” go’aanka ay qaadatay marka la eego xiriirkan taariikhiga ee ka dhaxeeya labada dal.

    “Kenya qalad weyn oo diblomaasiyeed ayay gashay. Labada dal xiriir weyn oo diblomaasiyadeed ayaa ka dhaxeeya, ciidaan nabad ilaalin ayaa Kenya ka jooga Soomaaliya; inay heerkaasi gaarsiiso, luuqadaasi adag na isticmaasho oo safiirka Muqdisho u joogay ay u yeerato, kii Soomaaliya na ay tirahdo dalka ka baxa waa qalad diblomaasiyaadeed. Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Ambasadar Ciid Badal oo horay u soo noqday safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay.

    Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ,yaa sheegay in go’aankan ka hor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbaneyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi, dibna ug laabato.

    Hasayeeshee dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto,hoos akd aawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://www.facebook.com/Adeegshacab/videos/1160103840818941/
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.