Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Xiriirka Kenya iyo Somaliya oo xumadaa yuu khatar ku yahay?(Daawo).
    Somalia

    Xiriirka Kenya iyo Somaliya oo xumadaa yuu khatar ku yahay?(Daawo).

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 18, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxa mar kale soo if baxay khilaafka qotoda leh ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ee ka taagan soohdinta badda ee ay ku muransanyihiin.

    Xiisaddaa diblomaasiyadeed ee u dhaxaysa labada dal waxay soo laba kaclaysay maalmo ka hor oo ay Kenya ku eedaysay Soomaaliya in ay London ku “xaraashtay” goobo la sahamiyey in saliidi ku jirto oo ku yaal xuduudda badda ee lagu muransanyahay.

    Buqcadda lagu muransanyahay oo ah saddex xagal bedkeedu yahay qiyaastii 100,000km isku wareeg ah, ayaa la isku maan dhaafsanyahay nooca ay noqonayso xagasha xariiqda labada dal kala xadaynaysaa.
    Todabadii Abriil 2009-kii, ayaa dawladda Kenya iyo dawladii ku meel gaadhka ahayd ee Soomaaliya ee wakhtigaasi waxay kala saxeexdeen heshiis is afgarad ah oo ahaa sida loo maaraynayo muranka xadka badda.

    Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bishii Agost 2009-kii waxa uu ka dooday heshiiskaa is afgarad ee labada dal dhex maray, waxaanu cod aqlabiyad ah ku diiday ansixinta heshiiskaa.


    Dhawr sannadood ka dib ayaa Maxkamadda Caddaalada Aduunka ee ICJ waxay Kenya si rasmi ah ugu wargelisay in ay soo gaadhay dacwad Soomaaliya ka gudbisay murankaas oo ay Kenya kaga ashkatoonayso.

    Xeer Ilaalinta Kenya ayaa ku doodday in aanay maxkamaddaasi lahayn awood sharci oo ay garta noocaas ah ku naqdo, maadaama oo labada dal ku heshiiyeen in ay wadahadal ku xalliyaan khilaafkaa.

    Hase yeeshee Xeerilaaliyihii Soomaaliya ee waagaas,ayaa berigaa ku adkaystay in Soomaaliya ay qabto in ay maxkamaddu awood u leedahay in ay ka garnaqdo khilaafkaas, tahayna goobta keli ah ee ay ku kala bixi karaan Kenya.

    Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

    Dadka qaar ee uu kamid yahay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha gobolka,ayaa sheegay in arrintu ay u muuqato mid waji kale wadata.


    “Dad badan oo Soomaali ah waxay tuhunsan yihiin in xiisadda Diplomaasiyadeed ee Kenya ay soo cusbooneysiisay ay tahay istiraatiijiyad looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii muranka badda ee labada dal u dhaxeeya loogu xallin lahaa si hoose oo ka baxsan maxkamadda ICJ”, ayuu yiri.

    Hoggaamiye ka tirsan Mucaaradka dalka Kenya ayaa qeylo dhaan u diray dunida, si wax looga qabto khilaafka ka soo dhex cusboonaaday Kenya iyo Soomaaliya.

    Musalia Mudafadi oo ah hoggaamiyaha xisbiga Amaani ee dalka Kenya, kana mid ah xisbiyada mucaaradka, ayaa qeylo dhaan u diray beesha caalamka, isagoo ka codsaday in si deg deg ah loo soo fara galiyo khilaafka sii xoogeysanaya ee dhinaca badda, ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, si aysan xaaladdu faraha uga sii bixin,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    https://youtu.be/mIEPbws_Zqs
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.