Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya Addis Ababa.
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo ku kulmaya Addis Ababa.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 20, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lafilayaa in Maalmaha soo socda ay wada kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu gaaro maanta Magaalada Addis ababa ee xarunta Dalka Itoobiya, isagoona haatan ku sugan Dalka Jabuuti, kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay booqasho uu ku joogay dalka Burundi, waxaana la filayaa in addis ababa ay ku kulmaan Madaxweynaha Somaliland.

    Itoobiya ayaa casuumaad u fidisay labada Madaxweyne si halkaasi uu uga bilaawdo wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo hakad ku jira Sanadihii ugu dambeysay, waxaana Maanta oo Arbaco ah la filayaa in Madaxweynaha Somaliland uu u safro dalka Itoobiya.

    Kulanka ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, waxaana uu noqonayaa kulankii ugu horeeyay oo ay yeeshaan tan iyo markii Madaxweytne Farmaajo la doortay 8-dii Febaraayo Sanadkii 2017.

    Weli lama shaacin ajandaha rasmiga ah oo ay kulankooda uga hadli doonaan,hase yeeshee Somaliland ayaa tabashooyin farabadan ka qabta dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, waxana Muuse Biixi uu horay ugu eedeeyay inay cunaqabateyn saartay.

    Si kastaba, Dhowr jeer ayaa waxaa fashilmay wada-hadalada labada dhinac oo la qorsheynayay inay dib u bilaawdaan, kaddib markii Somaliland ay shuruud ku xirtay, waxaana la wada sugayaa natiijada kasoo baxda kulanka ay yeelan doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Soomaaliland.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.