Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Dowladda Burundi oo ku hanjabtay Inay dhamaan Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.
    Somalia

    Dowladda Burundi oo ku hanjabtay Inay dhamaan Ciidamadeeda kala baxayso Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 22, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BUJUMBURA (IDIL NEWS)-War kasoo baxay Dowladda Burundi ayaa lagu sheegay in Burundi dhamaan Ciidamada ka jooga Soomaaliya ay  kala bixi doonto hadii Midowga Afrika uu ku adkeysto Go’aanka ah  Kunka Askari ee la qorsheeyay in laga saaro Soomaaliya.

    Midowga Afrika ayaa dhawaan Go’aan ku gaaray in Kun ka mid ah Ciidamada Burundi ee ka howlgalla deegaanada Hir-Shabeelle dib loogu celiyo dalkooda,hayeeshee waxa ay u muuqataa in dowladda Burundi aysan ku qanacsaneyn Go’aanka Midowga Afrika.

    Afhayeen u hadlay dowladdaBurundi ayaa yiri’Burundi xilligaan diyaar uma ahan inay ciidamo kala baxdo Soomaaliya,balse hadii Midowga Afrika ku adkeystaan go’aankooda bixitaanka kunka askari anaguna dhamaan ciidamadeena waan la baxeynaa’

    Sidoo kale Xukuumadda Burundi ayaa caddaalad daro ku tilmaantay in qorshaha haatan lagu doonayo in kunka ciidan ee ugu horreeya ee Soomaaliya laga saarayo ay dhammaan ka soo jeedaan Burundi, waxay sheegtay inay lumin doonto in ka badan hal milyan oo doollar bil gudaheed.

    Heshiiska Qaramada Midoobay ayaa dhigaya in ciidammada nabad ilaalinta ee tiradoodu ay ka badan tahay labaatan kun ay tahay inay isaga baxaan dalka isla markaana ay ammaanka ku wareejiyaan ciidamadda Soomaaliya,balse weli la aaminsan yahay in Soomaaliya aysan laheyn Ciidamo amaanka la wareega.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.