Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay CIA-du u khaarajisay Gabadhii jilaaga ahayd Ee Marilyn Monroe ?
    Somalia

    Maxay CIA-du u khaarajisay Gabadhii jilaaga ahayd Ee Marilyn Monroe ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 24, 2019Updated:February 24, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin mudo dheer ka tirsanaa hay’adda sirdoonka Mareykanka ee CIA laguna magacaabo Norman Hodger oo haatan waayeel ah cuduro badana ay ku dhaceen ayaa isaga oo u waramayey xarunta โ€œThe Raiffel Beardโ€ waxaa uu shaaca ka qaadey in mudadii uu sirdoonka ahaa uu isagu ka dambeeyey shirqoolo lagu dilay ama lagu khaarajiyey dad ka badan 37 qof kuwaas oo isagu jirey Siyaasiyiin, Aqoonyahano,Jilayaal iyo Fanaaniin looga shakiyay in ay halis ku yihiin danaha Mareykanka.

    Mr.Norman Hodger dadka caanka ah ee uu ku fuliyey shirqoolada dilka ah waxaa ka mid aheyd gabadhii jilaaga aheyd ee Mareykanka caanka ka ahayd ee la oran jirey Marilyn Monroe taas oo haatan geerideeda ay kasoo wareegtay muddo 55 Sannadood ah.

    Sarkaalkan lagu magacaabo Norman Hodger waxaa uu sheegay in haweenayda jilaaga aheyd ee Marilyn Monroe sababta loo dilay in ay ahayd markii ay si fiican isu barteen madaxda Mareykanka oo uu ka mid ahaa Madaxweyne John F Kannedy oo dalka Mareykanka ka talinayey Bishii January 20-kedii Sannadkii 1961-kii Ilaa Bishii November 22-kedii Sannadkii 1963-kii waqtigaas oo isaguna shirqool lagu dilay waxaana uu intaa raaciyey sidoo kale in ay haweenayda jilaaga aheyd haddana si fiican ay isu barteen Madaxweynehii hore ee dalka Kuuba Fedal Castro taasi oo looga shakiyay in sirta dalka ay gudbiso cadowga Mareykanka oo uu ula jeeday dalka kuuba iyo Madaxweyne Castro.

    Baaris dilkeeda lagu sameeyey gabadhaa jilaaga aheyd ayaa ugu dambayntii waxaa la sheegay in sannadkii 1962-kii ay iyadu is dishay si aan loo ogaan qorshaha lagu khaarijiyey.

    Bal fiiri inantaa faraxsan waxay nafteeda ku wayday Danaha Dalkeeda oo looga Baqay.

    WQ.Mubaarak Ashkir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.