Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Madaxda Saddex Dal (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo kulan la yeeshay Madaxda Saddex Dal (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    SHARMA EL-SHEIKH (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaala Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

    Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay taariikhda la qabanayo ayaa waxa xoogga lagu saarayaa sare u qaadidda iskaashiga u dhexeeya dalalka Yurub iyo kuwa Carabta, xallinta caqabadaha ay wadaagaan iyo in laga hawlgalo sidii xasilooni buuxda looga suurtagelin lahaa dalalka Carbeed ee ay amni darradu ka jirto.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa Shir-doceedyo la yeeshay Madaxweynaha dalka Ciraaq Mudane Barham Salih, Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga Mudane Giuseppe Conte.

    Madaxweynaha iyo dhiggiisa dalka Ciraaq Mudane Barham Salih ayaa kulankooda ku lafo-guray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaallanka waxa loogu yeero argagaxisada, sare u qaadidda ganacsiga labada dal iyo sidii deeqo waxbarasho loogu suurtagelin lahaa ardayda Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale Madaxweynaha dalka Ciraaq kala hadlay cafinta deynta ay Dowladda Ciraaq ku leedahay Soomaaliya.

    Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Sweden Mudane Stefan Löfven ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka iyo iskaashiga labada dal iyo sidii Sweden ay Soomaaliya uga taageeri lahayd dhisidda iyo tayeynta hay’adaha dowladda.

    Madaxweyne Farmaajo oo shir-doceed la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha dalka Talyaaniga ayaa kala hadlay xiriirka soojireenka ah ee labada waddan, isaga oo Dowladda Talyaaniga ka codsaday inay door weyn ka qaadato dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, tayeynta waxbarashada iyo hirgelinta dugsiyo farsamo.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.