Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Akhriso: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirkii Iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub.
    Somalia

    Akhriso: Khudbadii Madaxweyne Farmaajo ee Shirkii Iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 25, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    SHARMA SHEIKH (IDIL NEWS)-Waxa sharaf ii ah inaan kamid ahaado masuuliyiinta iyo saaxiibbada sharafta leh ee ka qayb-gelaysa Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Jaamacadda Carabta oo markiisii ugu horreysay qabsoomaya.

    Waxaan Dowladda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar uga mahadcelinayaa martisoorka heerkiisu sarreeyo ee aniga iyo wafdigayga na loo fidiyey iyo inay martigelisay wadahadalladan taariikhiga ah ee ku aaddan mustaqbalka iskaashiga dalalka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub.

    Shir Madaxeedka Midowga Yurub iyo dalalka Carabtu waxa uu qabsoomay wakhtigii loo baahnaa, wuxuuna adkeynayaa xiriirka labada dhinac oo ku dhisan is-ixtiraam iyo kalsooni, asaaskiisuna yahay iskaashi siyaasadeed iyo dhaqaale oo miradhal ah.

    Xiriirka saaxiibtinnimo ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waa mid taariikhi ah balse waxaan u baahannahay inaan sii xoojinno innaga oo abuurayna iskaashiyo cusub oo laga wada faa’ido.

    Mudanayaal iyo Marwooyin,

    Cinwaanka Shirka “Maalgelinta Xasiloonideenna” waa mid wakhtigan la jaanqaadaya maadaaama oo uu caalamku uu si xawli ah isu beddelayo.

    Dalalka Carabta iyo Midowga Yurubba waxay waajahayaan caqabado ay wadaagaan oo la xiriira amni darrada, dhaqaale xumada, tahriibka iyo dhibaatada deegaanka.

    Caqabadahani waa kuwo caalami ah oo aan hal dal keligiis wax ka qaban karin—si kasta oo uu hodon u yahay ama u diyaarsan yahay. Sidaasi awgeed, iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub waxa uu muhiim u yahay xallinta caqabahan caalamiga ah.

    Iskaashigeenna laba-geesoodka ahi waa inuu ahaadaa mid ay hagayso aragti iyo ujeeddo guud isla markaana ku salaysan natiijooyin waxtar u leh shucuubteenna iyo caalamka intiisa kale.

    Wadashaqaynta dhanka dhaqaalaha iyo ganacsigu waxay gundhig u noqon doontaa iskaashiga Carabta iyo Midowga Yurub.

    Labada dhinacba , dowladuhu waxay dadaal ku bixinayaan inay badiyaan ilaha dhaqaalahooda, dhiirrigeliyaan halabuurka ganacsi, abuuraan marinno ganacsi oo cusub, isla markaana ganacsatada u suurtageliyaan deegaan ay ku kobci karaan, shaqooyin cusubna ku abuuri karaan.

    Marka arrintan laga hadlayo, waxa jira heshiisyo badan oo ku saabsan ganacsiga xorta ah balse waxaa muhiim ah inaan xoojinno wadashaqaynteenna iyo tan ganacsatadeenna si aan si dhab ah uga faa’idaysanno iskaashigeenna.

    Waxaan rabaa inaan hadalkayga ku soo koobo ku celinta muhiimadda uu leeyahay iskaashiga dalalka Carabta iyo Midowga Yurub wakhtigan la joogo ee ku suntan isku xirnaanta iyo isku tiirsanaanta.

    Waxaan ku kalsoonahay inaan caqabad kasta ka gudbi karno, kana faa’idaysan karno fursadaha waaweyn ee ina horyaalla haddii aan si dhaw isula shaqayno.

    Innaga oo wadajirna, iskaashi waxtar lehna ina dhex yaallo waxay ka dhigan tahay inaan xooggannahay, isku xirannahay, sidii horena ka hodonsannay.

    Kani waa maalgashiga ugu weyn ee aan ku samayn karno xasiloonideenna mustaqbalka iyo barwaaqada guud.

    Dhammaantiin waad mahadsan tihiin.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.