Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ciidamada Amniga oo howlgallo culus ka wadda Beledweyne.
    Somalia

    Ciidamada Amniga oo howlgallo culus ka wadda Beledweyne.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 26, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    BELEDWEYNE (IDIL NEWS)-Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa xalay ilaa saakay waxa ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan Xaafado ka tirsan Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan halkaas oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhaceen falal amni-darro.

    Xaafada Howl-Wadaag ee Magalada Baladweyne ayaa Shalay gelinkii dambe, waxaa lagu dilay laba Wiil oo dhalinyaro ah oo la sheegay in mid ka mid ah uu ka tirsanaa Ciidamada Millateriga Soomaaliya iyo qof kale oo Shacab ah.

    Ciidamada booliska ayaa saakay waxa ay howlgal ka wadaan laamaha ay ka kooban tahay Xaafada howl-Wadaag oo mararka qaar ay dilal ka dhacaan,waxaana wariyeyaal ku sugan ay soo sheegayaan in ciidamada ay mararka qaar guryaha iyo gaadiidka ay baaritaano ku sameynayaan.

    Qaar ka mid ah dadka Reer Baladweyne ayaa dhankooda waxa ay sheegeen in howlgalka uu saameyn ku yeeshay,isla markaana isku-socodka Ganacsiga iyo dadka,hayeeshee ay saacadaha soo socda dib u furmi doonaan.

    Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca dilal loo geysto askarta dowladda iyo cid kasta oo Maamulka la Shaqeysa waxaa dilalkaas mas’uuliyadooda sheegta Ururka Al-Shabaab.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.