Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»AMISOM oo shaacisay Tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya (Akhriso)
    Somalia

    AMISOM oo shaacisay Tirada Ciidamada Dowladda Soomaaliya (Akhriso)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)- Hawlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa sheegay in Ciidamad Dowlada Soomaaliya ay waqti xaadirkan u diyaarsan yihiin la wareegitaanka guud ahaan amniga dalka.

    Koox ka socotay AMISOM oo si gaar ah qiimayn ugu sameenayay ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa sheegay in tirada guud ee ciidamada dowlada ay kor u dhaafeen 20,000 oo askari.

    Kooxdan oo warbixintii ay soo aruuriyeen ku wareejiyay Dowlada Soomaaliya ayaa wasiirka amniga xukuumada faderaalka soomaaliya Maxamed Abuukar Islow waxa uu lawadaagay madaxa hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya Francisco Madeira.

    Qiimayntan ayaa laga sameeyay maamul goboleedyada dalka kajira sida Jubbaland, Koonfur galbeed, Galmudug iyo Puntaland intii u dhaxaysay bishii March 2018 illaa bishii January 2019.

    Sida ay xogatan muujisay Maamul Goboleedka Galmudug ayaa leh dagaalyaanada ugu badan ee al-Shabaab ka hortaga iyadoona maamulada kale sida jubbanlad, Puntland, koonfur galbeed, iyo Hirshabelleโ€™na ay soo raacaan.

    Warbixinta oo ka koobnayd 60 bog ayaa lagu sheegay in markii laโ€™isku soo dardaro dhamaan ciidamada hubaysan ee ka hortaga al-Shabaab ay kor u dhaafayaan 20,000 sidaas darteedna dowlada soomaaliya ay awood u leedahay lawareegitaanka guud ahaan amniga dalka.

    Dhamaadka sanadka 2020 ayaa lagu wadaa in ciidamada Amisom oo kor u dhaafaya 20,000 oo askari ay guud ahaan dalka iskaga baxaan.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.