Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un oo ku kulmay Hanoi.
    Somalia

    Madaxweyne Trump iyo Kim Jong-un oo ku kulmay Hanoi.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyFebruary 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    HANOI (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo hogaamiyaha Korea-da Waqooyi Kim Jong Un ayaa kulan madaxeedkoodii labaad ka furay magaalada Hanoi ee dalka Vietnam, ayada oo Trump uu sheegay inuusan ka laaban doonin dalabka Mareykanka ee ah in Korea-da Waqooyi ay baabi’iso hubkeeda Nuclear-ka.

    Kim iyo Trump ayaa is gacanq aaday, ayaga oo dhoola caddeynaya oo hor-taagan raxan calamada labada waddan ah, kuna sugan hotelka Metropole ee magaalada Hanoi ee caasimadda dalka Vietnam.

    Trump ayaa weriyayaasha u sheegay inuu rumeysan yahay in wada-hadallada ay noqon doonaan kuwa miro-dhala, islamarkaana Mareykanka uu ku adkeysanayo in Korea-da Waqooyi ay dhigto hubka Nuclear-ka.

    “Waxaan sameynay horumar wanaagsan, waxaan u malaynayaa horumarkan ugu weyn waa xiriirkeena, xaqiiqdii waa mid wanaagsan”

    Mar waxa laga weydiiyey inuu si rasmi ah u shaacin doono dhammaadka Dagaalka Korea, Trump waxa uu ku jawaabay “waan arki doonnaa”

    Kim ayaa isna sheegay in isaga iyo Trump ay ka gudbeen caqabado dhowr ah, si loo qabto kulanka ka dhacaya Hanoi, islamarkaana ay muujiyeen dul-qaad badan tan iyo markii uu kulankii koowaad ka dhacay dalka Singapore, sanadkii tegay.

    Intaas kadib labada hoggaamiyo ayaa gudaha galay wada-hadallo socon doonaa illaa khamiista oo albaabada ay u xiran yihiin, lana mid ah kuwii Singapore.

    Ka hor kulanka, Trump ayaa sheegay in Korae-da Waqooyi ay leedahay yididiilo wanaagsan, islamarkaana isaga iyo Kim ay doonayaan inay sameeyaan wax weyn.

    Inkasta oo ilaa iyo hadda horumar yar un laga sameeyey hadafka Trump ee ah inuu hubka Nuclear ka dhigo Korea-da Waqooyi, haddana madaxweynaha Mareykanka ayaa u muquda inuu isku halleynayo xiriirka shaqsiga ah ee kala dhaxeeya hoggaamiyaha da’da yar ee Korea-da Waqooyi, iyo yaboohyo dhaqaale, kadib colaad 70 sano u dhaxeysay labada waddan.

    “Vietnam waa dal horumar wanaagsan sameynaya, Korea-da Waqooyina waxay noqon doontaa sidoo kale, si deg deg ah, haddii ay hubka Nuclear iska dhigto” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka kadib markii uu ka degay magaalada Hanoi.

    “Yididiillada waa mid wanaagsan, waxaa jirta fursad weyn oo horey aan taariikhda loogu arag, oo uu haysto saaxiibkey Kim Jong Un, dhowaan ayaan ogaan doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Mareykanka.

    “Waxa uu doonayaa inuu wax weyn sameeyo” ayuu sii raaciyey.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.