Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.
    Somalia

    Tiro Madaafiic ah oo lagu garaacay Madaxtooyadda Villa Soomaaliya.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 2, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Tiro Madaafiic ah oo kusoo dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, oo ay degan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah Heyโ€™adaha dowladda.

    Madaafiicdan oo gaaraysay illaa 5 Hoobiyayaal ah, ayaa kusoo dhacday hareeraha iyo gudaha Madaxtooyada, Iyadoona saddex ka mid ah ay ku kala dhaceen Xarunta Villa Hargeysa, gaar ahaan xafiiska Guddoomiye kuxigeenka 1-aad C/weli Muudeey.

    Sidoo kale, Hal Madfac ayaa ku dhacay agagaarka xafiiska Guddiga doorashooyinka, halka madfac kale uu ku dhacay Gudaha Madaxtooyada.

    Dhanka kale, Madfac kale ayaa ku dhacay dhismaha xarunta Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Soomaaliya oo ku taala dhabarka danbe ee Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo lagu kala cararay marka ay madaafiicda soo dheceen.

    Madaafiicda ayaa u muuqday mid bartilmaameedkooda ku dhacay Madaxtooyada, marka loo eego goobaha uu khasaaraha gaarsiiyay oo ah xafiisyada heyโ€™adaha dowladda.

    Saraakiil katirsan laamaha ammaanka ayaa ku baxay goobaha laga soo tuuray madaafiicda oo ay ku sheegeen in dhanka Dayniile laga soo riday, lamana oga khasaraha ka dhashay madaafiicda.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.