Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Haweeneey laga duubay muuqal galmo ah oo nolosheeda galaaftay
    Somalia

    Haweeneey laga duubay muuqal galmo ah oo nolosheeda galaaftay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 3, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Bishii April ee sannadkii, 2015-kii haweeneeydan 31 jir ahayd oo ka soo jeedda Mugnano oo ku taalla banaanka Naples, ayaa waxa ay muuqaallo galmo ah WhatsApp ugu dirtay shan qof, waxaana ka mid ahaa saaxibkeed Sergio Di Palo oo uu markaasi ka dhexeeyay xiriir aan wanaagsanayn.

    Muuqaalada ayaa waxa ay muujinayeen iyadoo ficillo galmo ah la sameeneeyso rag aan heebtooda la garanaynin.

    “Aad ayay u quruxbadnayd balse qof nugul ayay ahayd ,” ayay tiri Teresa Petrosino, oo ay 15 sanadood saaxiibo ahaayeen. ” Waxaa u kulmay dad xun iyo xilli xun.” ayay intaa ku dartay.

    Muuqaalada ayaa durbadiiba lagu baahiyay baraha bulshada. Waxaana cajaladaha laga duubay ku jiray iyadoo ninka kaamirada ka duubayay la hadlayso iyadoo leh shaqa wanaagsan ayaad haysaa, taasi oo muujinaysa in ay raali ka aahyd in laga duubo muuqaalka.

    Waxa uuna hadalkeedaas dadkii daawanayey u fududeeyay in si cabsi la’aan ah u daawadaan muuqaalkeeda galmada ah sababtoo ah waa ay ku farax sanayd in laga duubo cajalka.

    Balse dadka reer Talyaani, daawasho uun kumay ekaanine, sawiradeeda iyo hadal haynteeda ayaa meelkasta ku baahay oo xitaa fanaanado ayaa sawiradeeda lagu xardhay.

    Ma jirin cid ka wal-waleeysay muuqaalka sabatoo iyada ayaaba ku farxsanayd, balse dadku waa ay ku jah-wareereen arrintan.

    “Tiziana Cantone, iyo aniguba si caadi ugama aan wada hadal faah-faahinta muuqaalka,”ayay tiri saaxibteed Teresa. “Weligeey ma daawan, mana doonayo in aan daawado. Waad qiyaasi kartay in ay dhibanatahay. Balse waxa ay u muuqatay qof adag.”

    Ms Cantone waxa ay markii dambe dagaal u gashay in muuqaalada laga saaro website-yada balse si dhaqsiya waa ay ugu suura-gali weeysay.

    Maxkamadda ayay kiiskeeda geeysay, iyadoo ku doodeeysay in muuqaalada la galiyay website-yada iyadoon ogolaansho la weeydiisan.

    “Nolosha ayay ciriiri ku gashay oo xitaa banaaka waa ay u soo bixi weysay sababtoo ah marka ay dibedda u baxdo dadku ayaa aqoonsanayaan. Waxa ay xaqiisatay in nolosha adduunka iyo tan aakhiraba ay isku midyihiin,sida ay aaminsaneed ” ayay tiri Teresa.

    Waxa ayna garwaaqsatay in xaaladda aan la xallin karin ayna suuragal tahay in mustaqbalka ay ninkeeda iyo caruurteeda muuqaallada heli karaan oo ay daawan karaan.

    Xigasho BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.