Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Guddoomiye Mursal oo ugu baaqay Dalalka carabta inay Xoojiyaan Tageerada Soomaaliya (Sawirro)
    Somalia

    Guddoomiye Mursal oo ugu baaqay Dalalka carabta inay Xoojiyaan Tageerada Soomaaliya (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    CAMMAAN (IDIL NEWS)-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee JFS Mudane;  Maxamed Mursal Sh.C/raxmaan, ayaa qudbad ka jeediyay Shirka 29-aad ee Midowga Baarlamaanada Carabta oo Shalay ka furmay Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan.

    Mudane; Mursal, ayaa ugu horeyn u mahad celiyay Boqorka iyo Shacabka Dalka Jordan oo shirka marti geliyay iyo sidoo kale Baarlamaanka Dalkaasi, wuxuuna ku dheeraaday xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale iyo mida bulsho ee guud ahaan dalalka carabta Oo ay Soomaaliya qeyb ka tahay.

    Guddoomiyaha ayaa u sheegay madaxda Baarlamaanada Carabta in Soomaaliya horumaro dhinacyo badan leh ay sameysay, inta dhimanna Shacabka iyo Dowladoodda oo iskaashanaaya ay si wadajir ah u dhameystiri doonaan.

    Mudane; Mursal, ayaa sidoo kale qudbaddiisa kaga hadlay xaaladda Dalka Falastiin iyo dhibaatooyinka degaannadooda ka jira, wuxuuna sheegay in ay yihiin Dad xaq u leh in ay yeeshaan Dowlad xarunteedu tahay Magaaladda Qudus.

    Sidoo kale Wuxuu Dowladaha Carabta uga mahad celiyay dedaalka ay mar walba la garab taaganyihiin Shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladdooda, isagoo ku dhiirra geliyay in ay sii wadaan taageeradooda si Dowladda Soomaaliyeed ay uga mira dhaliso horumarrada kala duwan ee ay ku tallaabsatay.

    Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa qudbaddiisa kusoo gaba gabeeyay dhibaatooyinka kooxaha Argagixisada ah, wuxuuna madaxda shirka ka qeyb galeysa uu la wadaagay hagar-daamooyinka ay kooxaha nabad diidka ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan qaraxyadii ugu dambeeyay ee ay ka geysteen Magaaladda Muqdisho.

    Wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in si wadajir ah loo wajaho ciribtirka Malleeshiyaadka Argagixisada ah, iyadoo loo wajahayo hab kasta oo lagaga hortagi karo,  si Dalalka Carabta iyo  kuwa Gobolka oo dhan ay u noqdaan meelo ka caaggan nabad-diidka oo aysan gabbaad ka dhigan.

    Mudane; Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa muddada uu joogo Magaaladda Cammaan ee Dalka Jordan waxa uu halkaasi kulamo kula qaadan doonnaa Madaxda Wadankaasi iyo qaar ka mid ah Waddamada Carabta.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    June 22, 2025

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    June 21, 2025
    Latest Posts

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.