Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah berri ugu baxaya Addis Ababa.
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg ah berri ugu baxaya Addis Ababa.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 4, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la filayaa in maalinimada berito ah uu safar deg deg ah ugu baxo Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya.

    Safarka Madaxweyne Farmaajo ee Addis ababa ayaa la sheegay in uu ku saabsan yahay Arrimaha ka soo cusboonaaday Gobolka Geeska Afrika, iyadoo uu la kulmi doono Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

    Dowladda Kenya ayaa shaki la gelinayaa inay waddo Qorshayaal ay ku wiiqeyso Isbaheysigii Saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray Dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.

    Madaxweynaha Dowladda Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa Maalmihii lasoo dhaafay Socdaalo ku tagay Caasimadaha Addis Ababa iyo Asmara, Iyadoona kulan saddex geesood ah uu ku dhexmaray Asmara Madaxweyne Uhuru Kenyatta, Raโ€™iisulwasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea.

    Loolanka Istiraatiijiyadeed ee Gobolka ayaa soo xoogeysanayay sanadihii u dambeeyay, waxaana socday qorshayaal uu waday Raโ€™iisul Wasaaraha Itoobiya oo ahaa Iskaashi iyo Is dhex gal dalalka Gobolka Geeska Afrika.

    Kenya oo xilligan Xiisad diblonaasiyadeed kala dhaxeysa Soomaaliya ayaa durba ku soo baraarugtay is bedelka ka socda Gobolka iyo Isbaheysiga ka dhex sameysay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya, waxaana shirkii Asmara ka dhacay shalay loo arkaa mid culeys ku ah Soomaaliya.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.