Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»QORMO: Raxma intay Xidhantahay waxaa xidhan Umad-nimadeenii!!
    Somalia

    QORMO: Raxma intay Xidhantahay waxaa xidhan Umad-nimadeenii!!

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Marka Umad La Gumaynayo Heerar Kala Duwan & Marxaladdo Midba Mid Ka Hooseyso Kana Liidato Ayaa Maalinba Mid Loola Soo Gole-fadhiista.

    Rahma Mohamoud Haybe Xadhiga Ay Bilooyinka Xidhan Tahay Waa Weerarkii Ugu Dambeeyey Ee Lagu Soo Qaado Qoomiyadnimadeena, Sharafkeena & Cisigeegeenaba.

    Xadhiga Marwo Rahma Waa Tijaabadii Ugu Dambeysay Ee Lagu Ee Lagu Cabiranayey Halka Qabkeeni & Qiyamkeenii Soomaalinimo Lagu Xabaalay.

    Xadhiga Inanteenu Shisheeyaha Hoga Madaw Ugu Xidhan Tahay Ma Xaq Baa Mise Waa Xaq-darro ? Rahmi Inaga โ€œUmadda Soomaaliyeedโ€ Hadey Dambi Gashay Maxaynu Degaankeena & Maxkamadaheena Ugu Xukumi Weynay ? Waaba Haddii Ay Dembi Inaga Gashay.

    Xadhiga Rahma In Badan Baan si Gooni Gooni ah Isugu Dayay Inaan Ugula Hadlo Odayaasha Dhaqanka, Masuuliyiinta Deegaanka Heerarkoodda Kala Duwan & Dadka Maangalka ah Ee Deegaanka Wax Ii Garaaba Mooyaane Wax Tallaabo Ficil ah Ka Geysta Waan Waayey, Waxey Ka Maarmi Wayey Inaan Dareenkayga & Damiirkayga Qofnimo si Mug Leh Ugu Dhigo Dhiganahan.

    Bulshadda Inteedda Damiirka Lehna Aan Ku Dhiiri-geliyo Kuna Baraarujiyo Xadhiga Rahmi Inuusan ahayn Mid Keligeed ay Xidhan Tahay Bale Aynu Kuligeen Aynu Meyti Socota Nahay.

    Rahma Intey Xidhan Tahay Waxaa Xidhan Umad-nimadeenii, Rahma Intey Xidhan Tahay Waxaa Xidhan Damiirkeenii & Jiritaankeenii.

    Rahma Waxaa Hagraday Masuuliyiinta Metela Deegaanka Soomaalida Oo ay ugu horeeyaan Gudoomiyaha Xisbiga AHMED SHIDE & Madaxweynaha Deegaanka Mustafe Omer Masuuliyiinta Soomaalidda Heer Federal & Heer Deegaan.

    Rahma Waxaa Hagratay Jabhadda ONLF Oo sir & caad Uga Gaabsadey Xadhiga Rahma. Rahma Waxaa Hagraday Culimadda, Ganacsatadda & Aqoonyahanka Umadda Soomaaliyeed Rahma waxaa Hag-ratay Umadda Somaaliyeed Ee SOMALI STATE Idilkeed Qurbe-joog & Qaran Joog.

     Guumaystayaashii Kala Midabka & Wekhtiga Duwana Ee Degelkeena Soo Marey Marnaba Kumey Dhiiran Iney Gabadh Soomaaliyeed Addis Ababa Ku Xidhaan.

     Dhanka Kale Ragii Rubuc Dadkeena Kamid ah Aboorka Wehelka Ugu Dhigey Hantideeniina Xaabsadey Sharciga Qaban Waayey Ee Hablaheenii Oon Xinjir Dhiig ah inaga Daadin Qabtay Waa Sharchigee ? Bye:Aidrous Ahmed Abdi

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.