Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kabamba (Sawirro)
    Somalia

    Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Dugsiga Tababarka Militariga ee Kabamba (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 12, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KAMPALA (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabta kormeeray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba ee dalka Uganda.

    Saraakiishan uu tababarku uga socdo Xerada Kabamba oo ku taalla bartamaha Uganda ayaa tiradoodu ku dhawdahay 100, waxaana la filayaa in ay bartamaha sanadkan dib ugu soo laabtaan dalka si ay uga qayb qaataan dhismaha iyo tababarrada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Madaxweynaha oo dhiirrigelin u sameeyay saraakiishan ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad weyn siineyso sidii saraakiishan iyo kuwa lamidka ah ee tababarrada ku maqan ay uga qayb qaadan lahaayeen dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Argagixisada ah.

    Dhankooda, saraakiishan ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay mudnaanta uu siiyay inuu arko tababarka ay qaadanayaan, waxayna sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin booqashada Madaxweynaha.

    Madaxweynaha iyo wafdigii la socday ayaa caawa dib ugu soo laabtay magaalada Kampala, waxaana maalinta berri ah uu khudbadda xiritaanka ka jeedinayaa shir diiradda lagu saarayo arrimaha nabadgalyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha Qaaradda Afrika.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Fadhiga kalfadhiga 56-Aad Baarlamaanka PL Ee Maanta

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.