Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad kala socota Heshiiska Itoobiya iyo Faransiiska ee Ciidamada Badda ?
    Somalia

    Maxaad kala socota Heshiiska Itoobiya iyo Faransiiska ee Ciidamada Badda ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 16, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    ADDIS ABABA (IDIL NEWS)-Dawladda Faransiiska iyo Itoobiya ayaa wada gaadhay heshiis dhanka Militariga ah gaar ahaana taageeridda ciidamada Badda ee Itoobiya samaysanayso, kadib bookhasho laba maalmood ah oo Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ku joogay dalka Itoobiya.

    Safarka Madaxweynaha Faransiisku ku galaa-bixiyay dalalka Bariga Afrika ee Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya ayaa lagu macneeyay mid uu ku xoojinayo kaalintiisa Bariga Afrika iyo xidhiidhkiisa dhaqaale, islamarkaana kaga qayb qaadanayo dadaallada reer Galbeedku iskaga caabiyayaan waddanka Shiinaha oo saamayn badan ku yeeshay Afrika.

    Madaxweyne Macron ayaa Jabuuti ka sheegay in aanay doonayn in bahwadaagtooda xorriyadda lagaga qaado maalgashi hadalkaas oo uu ku durayay Shiinaha.

    Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in uu si weyn u danaynayo Itoobiya tan iyo intii furfurnaanta siyaasadeed ka curatay waxaanu saxeexay heshiis uu Itoobiya kaga taageerayo abuurista ciidanka Badda oo ra’isal wasaare Abiy Axmed xoog saarayo sidii loo hirgelin lahaa.

    Madaxweyne Macron ayaa heshiis muhiim ah ku tilmaamay iskaashiga Militari ee Addis Ababa iyo Paris “Heshiiskan iskaashiga Militari oo aan hore noociisa loo gaadhin wuxuu abuuraya qaab wada shaqayneed, gaar ahaana wuxuu albaabada u furaya habka Faransiisku u caawinayo aasaasidda ciidanka Badda ee Itoobiya,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Macron oo ay shir jaraa’id Addis Ababa ku wada qabteen Dr Abiy Axmed.

    Sida ay ku warrantay warbaahinta VOA waxa kale oo heshiiska ka mid ah iskaashi dhanka ciidamada cirka ah, hawlgallo wada jir ah, fursado dhanka tababarka iyo ka iibinta saanadda ciidamada.

    Idaacadda Dunida la hadasha ee Faransiiska(RFI) ayaa faallo ka qortay taageerada Faransiiska ee dhismaha ciidamada Itoobiya, waxaanay sheegtay in ay Dr Abiy Axmed ka go’an tahay dhismaha ciidankan, islamarkaana guddi khubaro ah u saaray dhisamaha ciidanka Badda bishii January laakiin, ay lama huraan tahay in ciidankaasi ka hawlgalo dalalka deriska ah.

    Warbaahinta Faransiisku waxay sheegtay in dalka Eritrea labada dekedood ee ay degi lahaayeen ciidanka Itoobiya ee Casab iyo Masawa mid tahay fadhiisinka ciidanka badda ee Ereteriya tan kalena ay tahay saldhigga Imaaraadku kala dagaallamo Xuutiyiinta Yemen.

    Waxa ay intaasi raacisay in dalalka la filayo in Saldhigga Militari ee Itoobiya noqon doona Wadamo ay kamid yihiin Jabuuti, Somaliland iyo Soomaaliya kuwaas oo hadal hayntooda ku aaddan in ay Saldhig siiyaan Itoobiya xooggan tahay.

    Dawladda Itoobiya ayaa ciidamadeeda Badda kala dirtay sanadkii 1996 kadib markii dawladda Eritrea xorriyadda qaadatay 1991, islamarkaana Itoobiya noqotay bilaa bad.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.