Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Shir looga hadlayo Xeerka Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay (Sawirro)
    Somalia

    Garoowe: Shir looga hadlayo Xeerka Dowladaha Hoose ee Puntland oo furmay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 20, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Shirka Dib-u-eegista Xeerka Ururka Dowladaha Hoose ee Dowladda Puntland ee loo soo gaabiyo Al-Gabal, ayaa maanta ka furmay Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland.

    Shirkan oo ah mid balaaran oo soconaya Maalmaha soo socda, ayaa waxaa kasoo qeyb-galay Masโ€™uuliyiinta 10 Degmo oo katirsan Puntland iyo Xubno ka socda Ururka Dowladaha Hoose ee Holland ee VNG.

    Axmed Maxamed Yaasiin, Xoghayaha Guud ee Ururka Dowladaha Hoose ee Puntland ayaa Sheegay in mudada uu socdo Shirkan dib u eegis lagu sameynayo Xeerka Ururka oo la sameeyay 5 sanno kahor, Iyadoona wax ka bedel lagu samey doono Dastuurka, maadama ururku uu xiriir la yeeshay Ururka Dowladaha Hoose ee dalka Holland.

    Sidoo kale, Qaar kamid ah Guddoomiyaasha Degmooyinka Puntland ee Shirkan ka qeyb-galaya ayaa sheegay inay rajeynayaan in wax wanaagsan uu kasoo baxo Shirka, Iyagoona soo dhaweeyay xiriirka cusub ee u bilowday Ururkooda iyo Ururka VNG International.

    Cristian Heymat oo kamid ah Masโ€™uuliyiinta Ururka VNG International ee dalka Holland, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay wada-shaqeynta u dhexeysa iyaga iyo Ururka Al-Gabal, isagoona sheegay inay garab taagan yihiin Midowga Dowladaha Hoose ee Puntland.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.