Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo dhaliilay Ciidamada Dowladda ee gadoodsan.
    Somalia

    Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo dhaliilay Ciidamada Dowladda ee gadoodsan.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar Danbe), ayaa ka hadlay gadoodka ay sameeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasoo isaga soo baxay difaacyaddii ay ku lahaayeen Labada Gobol ee Shabeelooyinka.

    Mar uu Wariyayaasha kula hadlayay Muqdisho ayuu Wasiirka ku sheegay inuusan marnaba raali ka eheyn inay mushaar la’aan noqdaan Ciidamada Milatariga ee dalka ka difaacaya cadawga, isagoo ugu baaqay Ciidamada inay si degan ku soo gudbiyaan cabashadooda.

    “Aniga ka wasiir ahaan marnaba raali kama noqonayo in la dulmiyo shaqsi muwaadin Soomaaliyeed ama ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, sidoo kale ciidanka waajibaadka iyo aadaabta marka laga hadlayo waa inay dhowraan nidaamka u degsan dowladda” ayuu yiri Wasiir Amar Dambe.

    Dhanka kale Wasiir Amar-dambe ayaa Ciidamada ku dhaliilay inay isaga soo baxaan difaacyadooda, isagoo sheegay in askairgii cabasho qabo ay tahay in Taliyayaashooda ay u soo gudbiyaan, iyagoo ku sugan Saldhigyadooda.

    ” Qofka tabasho wuu yeelan karaa tabashadiisa meesha uu joogo inuu ku soo bandhigo waaye, askariga wuxuu leeyahay Taliye qeyb, Taliye urur uu leeyahay, wuxuu leeyahay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, wixii tabasho ah waa in qoraal lagu soo gudbiyaa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Difaaca.

    Hadalka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya, ayaa ku soo beegmaya iyadoo wali aysan difaacyadoodii dib ugu laaban ciidankii ka soo baxay Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana Muqdisho ku soo laabtay wafdigii dowladda ay dirtay, iyadoo lagu balamay in dowladda beri oo Sabti ah ay bixiso waxyaabaha ay dalbadeen Ciidanka, wixii xilligaasi ka dambeeyana ay dib ugu noqdaan goobihii ay ka yimaadeen.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.