Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nada Nadiim: Basaasadii Carbeed ee ay Xisbullah ku dhex Beertay Hayada Wardoonka maraykanka ee CIA da. Qaybtii 2-aad.
    Somalia

    Nada Nadiim: Basaasadii Carbeed ee ay Xisbullah ku dhex Beertay Hayada Wardoonka maraykanka ee CIA da. Qaybtii 2-aad.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 22, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sheekadan oo jilaageeda muhiimka ahi uu yahay Nada Nadiim oo ah gabadh reer Lubnaan ah oo u shaqaynaysay Xisbullaah, waxa ay sheekadeedu markii ugu horreysay soo shaacbaxday sannadkii 2007-dii, oo ay dadka Maraykan mar keliya ku wada baraarugeen wargeysyada dalka oo ka warramaya, faallooyin kala duwanna ka bixinaya sheekada muwaadinad Maraykan asalkeedu Lubnaan ka soo jeeday ah oo maxkamad la soo taagay, kadib markii lagu eedeeyey in ay xogo aad u sir ah u gudbisay ururka Xisbullaah ee dalka Lubnaan.

    Warku waxa uu sheegay in Nada ay ka shaqaynaysay wakaaladda dembibaadhista Federaalka Maraykan ee magaceeda loo soo gaabiyo FBI iyo sida oo kale wakaaladda dhexe ee sirdoonka Maraykanka ee iyada magaceeda loo soo gaabiyo CIA.

    Shaqada ay ka shaqaynaysay labadan wakaaladood ayaana sida ay warbaahintu sheegtay u fududaysay in ay xogo badan oo xasaasi ah hesho.

    Markii warkan la baahiyey ayaa uu mar keliya xaalka Maraykanku cakirmay, rayulcaamkii ayaa doodo iyo muran aad u badani ka dhex abuurmeen. Dad badan oo Maraykan ah ayaa ku dooday in gabadhan xukun adag la mariyo maadaama oo ay tahay basaasad khiyaamaysay dalkii ay jinsiyaddiisa siyadatay. Laakiin dhinaca kalana dad badan ayaa ku dooday in Nada ay halyeey tahay, maadaama oo jinsiyadda uu Maraykan siiyey aanay ka tirtirin jacaylkii iyo daacadnimadii muwaadinnimo ee ay dalkeeda Lubnaan u haysay.

    In Nada ay ururiso xogta qorsheyaal Maraykanku la damacsanaa Xisbullaah kadibna ku wargeliso ururka Xisbullaah ayaa ay dad badani ka soo qaadeen in ay tahay calaamad muujinaysa in Nada ay tahay gabadh daacad ah oo dadkeeda uga digtay khatar kaga soo fool leh Maryakanka.

    Laakiin arrinta yaabka lihi waxa ay tahay in dadka fikirkan dambe qabay ay ka mid ahaayeen qoraayo Maraykan ah oo aragtidooda la qaddariyo, inkasta oo ay sheekada u dhigayeen qaab dalkooda ka fogeynaya sumcad darrada ay arrintani ku keentay.

    Tusaale ahaan mid ka mid ah ayaa is weydiiyey, “Ka warrama haddii uu qofkani ahaan lahaa Maraykan jinsiyadda dawlad kalana sita, oo uu la kulmi lahaa mawqif la mid ah kan ay la kulantay gabadha reer Lubnaan ee Nada” Waxa uu qoraagani ku doodayey in qof kasta oo dal kale jinsiyaddiisa haystaa, haddana marka uu arko dalka uu jinsiyaddiisa haystay oo dhagar u maleegaya dalkii uu dhiiggiisu ka soo jeeday, in qofkaasi uu ku qasbanaanayo in uu dalkiisa iyo dabcan dadkiisa u qabto wax kasta oo uu filayo in dhibta soo gaadhaysa lagaga hortegi karo ama khasaaraheeda lagu yarayn karo.

    Isaga oo qoraagani hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi, “Markee ayaa uu ruuxaa Maraykanka ahi khaayin noqonayaa?!! Ma marka uu ka hor yimaaddo mu’aamarad ka dhan ah amniga iyo xasiloonida dalkiisii hooyo shacab iyo dawladba, mise marka uu dalkiisa iyo dadkiisii khiyaameeyo ee u soo raaco dal jinsiyad cusub siiyey?!”

    Waxaa iyaguna jira dad kale oo sheekadan Nada marag uga dhigtay dood ay horeba u qabeen oo ahayd in sirdoonka Maraykanku uu intiisii hore aad uga daciifsan yahay, marka laga hadlayo la macaamilka dadka cusub ee doonaya in ay ku soo biiraan.

    Waxaa ka mid ah qoraayo Maraykan ah oo ku doodayey, “Nada waxa ay fashilisay ceebaha sirdoonka Maraykanka, ee la xidhiidha dhaliisha ka jirta qaabka ay u shaqaaleeyaan basaasiinta ka hawlgelaya goobaha aadka xasaasiga u ah” Mid ka mid ah qoraayadaas ayaana isagu ku sii fogaaday oo qoray, “Ha canaananina Nada .. nafihiina canaanta”.

    Lasoco Qaybaha dabe oo xiiso leh hadaad xiisayso inaad wax ka ogaato Jacaylka dalkaaga iyo dadkaaga iyo Awooda Basaasida Dunida.

    Mubarak Ashkir

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.