Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Al-Shabaab “Wasaaradda Shaqada ee aan weerarnay waxaa lagu qorayay Ciidan”
    Somalia

    Al-Shabaab “Wasaaradda Shaqada ee aan weerarnay waxaa lagu qorayay Ciidan”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 24, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Barqanimadii shalay ayaa weerar ku bilaawday qaraxyo waxaa lagu qaaday Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo ku taalla agagaarka Isgoyska Jubba, waxaana weerarkaas sheegtay Al-Shabaab, iyaga oo shaaciyey sababta ay u weerareen.

    Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdi Caziiz Abuu Muscab  ayaa ku sheegay sababta ay u weeraeen Xarunta in Wasaaradda ay ku howlaneed qorista Ciidamo la dagaalama Ururka Al-Shabaab.

    Warar lagu daabacay Baraha Internet-ka ee taageera Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay sidoo kale diyaarineysay ciidamo dharcad ah oo basaasa Culumaโ€™udiinka ku nool Magalada Muqdisho iyo cidkasta oo kasoo horjeeda dowladda federaalka Soomaaliya waa sida ay hadalka u dhigeen.

    Sidoo kale waxa uu sheegay Cabdi Caziiz Abuu Muscab in Wasaaradda Shaqada ay sidoo kale qoreysay dhalinyaro ka qeyb qaata dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, iyada oo loo marayo Barnaamijka isxilqaan,taasina uu sheegay inay tahay mid kasoo horjeeda Diinta Islaamka.

    Al-Shabaab ayaa waxa ay sheegeen in weerarkii shalay ay ku dileen 15 oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaka xukuumadda Soomaaliya , islamarkaana ay ku dhaawaceen 26 kale oo ay saraakiil ku jiraan.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.