Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Faallo: Maxaa laga Dheehan karay Khudbadii xalay ee Madaxweyne Farmaajo ?
    Somalia

    Faallo: Maxaa laga Dheehan karay Khudbadii xalay ee Madaxweyne Farmaajo ?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 26, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo Khudbad uu ujeediyay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayaa si aan horey loogu baran uga hadlay xaalada ammaan ee Soomaaliya iyo fashilada heysta Dowladda uu Hoggaamiyo.

    Madaxweyne Farmaajo ayaa ku nuux-nuuxsaday in Dowladdu ay ku fashilantay inay Dagaalamayaasha Al-Shabaab ka xoreyso dalka, isagoona eedeeyn dusha uga tuuray Saraakiisha Ciidamada Qalabka sida oo uu ku sheegay Axdi laa-waayaal.

    Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay in saraakiisha Ciidamadu ay khasbeen in uu been u sheego Shacabka Soomaaliyeed, maadama uu balanqaaday bilo kaddib doorashadiisii in uu al-Shabaab uga xoreynayo dalka 2 sanno Gudahoood.

    Maxaa laga Dheehan karay Khudbadda Madaxweyne Farmaajo ?

    Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbadiisa xalay waxaa ay aheyd mid ka duwan kuwii hore ee uu jeedin jiray, isagoona si cad u qiray in Dowladda uu hoggamiyo ay ku fashilantay sugida amniga caasimadda iyo xoreynta dhulka Shabaabku heystaan oo uu horey u balanqaaday in labo sanno uu kusoo gaba-gabeynayo.

    Isaga oo ay ka muuqatay dareen dabac ah iyo fashilo taabtay Xukuumadda uu hoggaamiyo Raโ€™iisulwasaare Kheyre, ayuu sheegay in fashilada heysta Dowladda ay hormuud u yihiin loolanka Wadamada caalamku ugu jiraan Soomaaliya.

    Dadka Falanqeeya arrimaha amniga iyo Siyaasadda ayaa qaba in khudbadan oo aheyd mid si weyn loo sugayo ay dusha ka feeday in Dowladdu aysan heyn qorshe ay ku xaqiijin karto amniga dalka, ayna ku dhameysan doonto Sanadka iyo bilaha u haray jawi ka duwan Mudadii tagtay.

    Falanqeeyayaasha amniga ayaa sidoo kale aaminsan in Madaxweynuhu uu qorshihiisu ahaa in uu dusha uga tooro eedaha loo jeedinayo ee ku aadan inuu sameeyay balanqaad ah in Al-Shabaabuu dalka uga xoreynayo 2 sanno gudahooda, taas oo uu tilmaamay inay ku dhaliyeen dhihistiisa saraakiisha Ciidamada, ayna u xireen tuute.

    Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Farmaajo ayaa haatan u muuqda mid u soo daadagay xaqiiqada ku aadan xaalada uu marayo dalku, taas oo ay sababtay kicinka galay Ciidamadii ku jiray furimaha dagaal ee soo baneeyay Fariisimahooda, kaddib markii ay ka caroodeen Khudbad uu jeediyay Raโ€™iisulwasaare kheyre oo ku aadan inay Ciidanku qaataan Mushaaraadkoodii, ayna jirin cid qatan.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.