Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kenya oo xiraysa Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.
    Somalia

    Kenya oo xiraysa Xerada Qaxootiga ee Dhadhaab.

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    DHADHAAB (IDIL NEWS)-Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday inay gebi ahaanba xireyso Xerada Qaxootiga Dhadhaab, halkaas oo ay ku sugan yihiin Kumanaan u badan Qaxooti Soomaali ah.

    Wakaalada wararka AFP ayaa baahisay inay heshay dukuminti ku saabsan xirista xeradan qaxootiga, isla markaana Kenya ay xeri doonto Bisha Agoosto ee Sanadkaan.

    Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa horay u shaacisay inay diyaar u tahay inay Kenya ka caawiso dib u celinta dadkaas ku jira Xerada Dhadhaab, iyaga oo aan la qasbin.

    Sidoo kale Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga UNHCR ayaa shaacisay in dadkaas dalalkooda dib loogu celin doono halka kuwa kale dib u dejin loogu sameyn doono Gudaha Kenya ama dal Saddexaad.

    Xerada Qaxootiga Dhadhaab oo Soddon jir satay ayaa waxaa ku nool  230,000 oo qaxooti ah,kuwaas oo badan kood ah Soomaali ka barakacay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay.

    Kenya ayaa Bishii May Sanadkii 2016 waxaa ay sheegtay inay xireyso Xerada Qaxootiga Dhadhaab, iyada oo sheegtay inay hoy u tahay waxa loogu yeero Argagaxisada laguna tababaro Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab wallow ay markii dambe dib u dhigtay.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.