Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Soomaaliya iyo Marooko oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)
    Somalia

    Soomaaliya iyo Marooko oo heshiis kala saxiixday (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMarch 27, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    RABAT (IDIL NEWS)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa wadahadallo laba geesood ah kula yeeshay dhiggiisa Marocco, Mudane Nasser Bourita, shalay gelinkii dambe oo Talaado ahayd (26 Maarso) Magaalada Rabat, xilli maanta ay u soo gaba-gaboobmayso booqashadiisa rasmiga.

    Kulanka oo ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo ee adag ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Marocco iyo horumarrada xaaladaha gobolka.

    Xiriirka u dhexeeya labada shacab ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa ah xiriir taariikheed qotodheer oo soo taxanaa ka hor gumeysigii reer galbeedka ee ku duullaamay wadamada iyo dhaqanka shucuubta Afrika. qoysas Soomaaliyeed ayaa degay oo ku noolaaday Magaalada Ouarzazate, oo ku taalla koonfur bari dalka Marocco, halkaasi oo ay Soomaalidu ka dhiseen Masjidkii ugu horreeyay ee dhaxal taariikheed ah sanadkii 1922, waxaana loogu yeeraa Masjidka Soomaalida.

    Labada Wasiir Arrimo Dibadeed ee Soomaaliya iyo Marocco ayaa waxa ay carabaabeen inay ku faanayaan heerka fariidnimo ee xiriirka Soomaaliya iyo Marocco, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la ballaariyo iskaashi dhinac kasta leh, si gaar ah arrimaha dhaqaallaha, maalgeshiga, amniga, milatariga, dhaqanka, cilmiga, garsoorka, arrimaha qunsliyadeed iyo bulsho, iyo sidoo kale in la isku duba-rido , lagana tashado mowqifyada laga qaadanayo arrimaha kala duwan oo ah wax ka dhabaynaya dano wadaagga labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

    Intii wadahadalladu socdeen, labada wasiir waxa ay wada saxiixdeen seddex heshiis is-afgarad oo kala ah dhimaha guddi iskaashi oo wadaag ah, habka latashiyada siyaasadeed iyo tababarada diblomaasiyadeed oo ah heer akadeemi iyo cilmiyeed.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.