Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»XOG-WARAN: Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo oo isku mari waayay arrimaha Doorashada Jubbaland
    Somalia

    XOG-WARAN: Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Farmaajo oo isku mari waayay arrimaha Doorashada Jubbaland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 4, 2019Updated:April 4, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KISMAAYO (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), oo muddooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay Kismaayo, kaddib markii uu fashilmay qorshihii uu u tagay Muqdisho.

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo u tagay Muqdisho la kulanka Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, ayaa la sheegay in uu fashil ku dhamaaday qorshihii kulanka kaddib markii balankii uu uga baxay Madaxweyne Farmaajo..

    Raโ€™iisulwasaare Kheyre oo bishii hore tagay Magaalada Kismaayo, ayaa u gudbiyay Axmed Madoobe dalab uu sheegay in uu uga waddo Madaxweyne Farmaajo, kaas oo ahaa inuu yimaado Muqdisho, si ay uga wada-hadlaan Madowga labada dhinac iyo Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Kismaayo.

    Madaxweynaha Jubbaland,ayaa intaas kaddib gaaray Muqdisho, Iyadoona la dajiyay hoyi ku dhow Madaxtooyadda Villa Soomaaliya, waxaana qorshaha safarkiisu uu ahaa in ku sugnaado 2-Maalmood, taas oo markii dambe noqon weyday.

    Madaxweyne Farmaajo,ayaa la sheegay in markii axmed Madoobe tagay Muqdisho uu albaabada ka xirtay, iskana diiday in uu la kulmo taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, iyadoona arrintaas markii dambe ay soo fara gasheen Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamaanka Fadaraalka Soomaaliya.

    Xildhibaanada soo fara-gashay arrintan oo uu hoggaaminayay Senator C/rixmaan Faroole,ayaa kasoo jeeday Beesha Daarood, kuwaas oo Axmed Madoobe ka codsaday in uu ka war sugo, lana kulmay Madaxweyne Farmaajo, Iyagoona ka dhaadhiciyay in ay kulmaan isaga iyo Axmed Madoobe.

    Kulan saacado la qaatay oo dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Axmed Madoobe oo qabsoomay Talaadiidii,ayaa la isku mari waayay, waxaana uu Axmed Madoobe ka biyo-diiday arrimo ku aadanaa Doorashada Jubbaland oo uu u soo bandhigay Farmaajo, isagoona si cad ugu sheegay in uusan u ogalaan doonin wax ka badan Kor-joogto.

    Wararka,ayaa sheegaya in intaas kaddib ay wada-hadalada soo faragasheen Xildhibaanada Labada Gole ee Beesha Daarood, Iyadoona markii dambe lagu heshiiyay in la joojiyo ka wada-hadalka arrimaha Doorashada, Madaxweyne Farmaajana uu xayiraada ka qaado Dhaqaalaha iyo Hubka ay qoondada u heshay Jubbaland.

    Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweyne Farmaajo,ayaa la sheegay in ay u balameen kulan kale, oo looga hadlayo Doorashada Jubbaland, taas oo la filayo in ay qabsoomto Bishan 17-keeda.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.