Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Madaxweyne Deni oo maanta kusoo laabanaya Caasimadda Puntland
    Somalia

    Garoowe: Madaxweyne Deni oo maanta kusoo laabanaya Caasimadda Puntland

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 6, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, oo maalmihii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, ayaa lagu wadaa in uu maanta dib ugu soo laabto Magaalada Garoowe.

    Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Deni uu galabta dib ugu soo laabanayo Caasimadda, si uu kulan ula qaato Safiiro ka socda Midowga Yurub oo maalinimada birrito ah kusoo wajahan Magaalada Garoowe.

    Safiirada ka socda Midowga Yurub ee fadhigoodu Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hoggaaminaya Safiirka Dowladda Jarmalka ee Soomaaliya.

    Wefdigan iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wada-hadli doona arrimaha la xiriira dhinacyada amniga Siyaasadda iyo Taageerada Dowladda Jarmalka iyo guud ahaan Waddamada Yurub ay siiyaan Puntland iyo Mashaariicda Horumarineed ee ay ka fuliyaan gudaha Puntland.

    Si gaar ah safiirka dowladda Jarmalka iyo Madaxweyne Deni ayaa uga wada-hadli doona mashruuc ballaaran oo dowladda Jarmalku ay fulinayso kaasi oo hab-casri ah loogu dhisayo isbtitaalka guud ee Magaalada Garoowe iyo sidoo kale Mashruuca Dhismaha Wadada Garoowe_Gaalkacyo oo istaagay kadib markii dowladda Jarmalku ay xukuumaddii hore Puntland ku eedaysay daah-furnaan laโ€™aan.

    Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isla todobaadkan la filaya in uu safar ugu baxo dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha oo uu kala soo hadli doono Arrimaha la xiriira mashaariicda horumarineed ee dalalkaasi ka fuliyaan degaannada Puntland.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.