Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo saaka u amba-baxaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha
    Somalia

    Garoowe: Madaxweynaha Puntland oo saaka u amba-baxaya dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 8, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    GAROOWE (IDIL NEWS)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid C/llaahi Deni, ayaa lagu wadaa in uu saaka ka duulo garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, isagoona ku wajahan dalalka Imaaraadka Carabta iyo Shiinaha, oo uuu ku tagayo booqasho qaadan doonta muddo ka badan Todobaad.

    Madaxweyne Deni, ayaa qorshuhu ahaa inuu shalay gelinkii dambe ka amba baxo Magaalada Garoowe, Iyadoona uu dib u dhac saacado ah uu ku yimid Wafdi ka kooban Safiirada Dalalka Yurub ee Soomaaliya, kuwaas oo uu Madaxweynuhu ku daahay markii dambe shirarkii uu la lahaa.

    Wararka ayaa sheegaya in Diyaarada qaadaysa Madaxweynaha Puntland ay ku sugan tahay Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Gen. Maxamed Abshir, ayna soo gaartay shalay galinkii hore.

    Madaxweyne Deni oo ay wehlin doonaan Xubno katirsan Golahiisa Wasiirada, ayaa ugu horeyn tagi doona Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu kulamo kula yeelan doono Hoggaanka saree e Dalkaas iyo Madaxa Shirkadda DP World ee maamusha Dekedda Magaalada Boosaaso.

    Madaxweynaha Puntland iyo Masuuliyiinta imaaraadka carabta ayaa ka wada-hadli doona xoojinta Xiriirka labada dhinac, iyo sidii Imaaraadku u sii wadi lahaa Taageerada amni iyo mida Billi’aadamnimo ee uu siiyo Dowladda Puntland.

    Sidoo kale, Madaxweyne Deni iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleymaan, ayaa kulankooda Dubai uga hadli doona sidii loo dardar-gelin lahaa Heshiiskii Dekedda Boosaaso iyo sidii Shirkaddu u bilaabi laheyd balaarinta Dekedda.

    Intaas kaddib, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid C/llaahi Deni, ayaa u sii gudbi doona Magaalada Bejing ee Dalka Shiinaha, Isagoona marti-qaad ka helay Shirkaddo maalgashi oo laga lee yahay dalkaas.

    Madaxweynaha ayaa la kulmaya Masuuliyiin katirsan Xukuumadda Shiinaha iyo Madaxda Shirkadaha Maalgashiga Shiinaha, kuwaas oo ay ka wada-hadli doonaan sidii Shirkadaha Shiinuhu u maalgashan lahaayeen Degaanada Puntland, gaar ahaan Kaabayaasha dhaqaalaha iyo Kulluumeysiga.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.