Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Kampala: Sii-hayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo xilka la wareegay (Sawirro)
    Somalia

    Kampala: Sii-hayaha cusub ee Safaaradda Soomaaliya ee Uganda oo xilka la wareegay (Sawirro)

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 10, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    KAMPALA (IDIL NEWS)-Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Uganda Mudane Cali Maxamed Maxamuud ( Cali Cagabaruur ) oo dhawaan dowladda Soomaaliya soo magacowday ayaa shalay xilka kala wareegay siihayahii hore ee Safaaradda mudane Cabdiwali Cali Faarax.

    Mudanaasabad kooban oo ka dhacday xarunta safaaradda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Diblumaasiyiinta, Uqeybsanayaasha ka howlgala safaaradda iyo marti sharaf kale oo ka kala socotay qeybaha kala duwan ee bulshada.

    Mudane Cabdiwali Cali Faarax siihayahii hore ee Safaaradda ayaa munaasabadda kasoo jeediyay warbixin kooban oo kaga hadlay sida safaaradda u shaqeyso iyo qalabka safaaradda leedahay, isagoo u mahadceliyay howlawadeenadii safaaradda sidii wanaagsaneed ay ula soo shaqeeyey intii uu xilka haayay.

    Siihayaha Cusub Mudane Cali Maxamed Maxamuud (Cali Cagabaruur)  ayaa isagana u mahadceliyay siihayahii hore ee Safaaradda iyo sida wadaniyadda leh uu uga soo shaqeeyay safaaradda iyo sida sharafta lahayd uu i ilaaliyay hantida qaranka.

    Mudane Cali Cagabaruur ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii loo xoojin lahaa xariirka wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda, kana shaqeyn doono xoojinta dhinacyada siyaasadda, waxbarashada, ganacsiga iyo fududeenta isu socodka labada dal.

    Cali Cagabaruur ayaa sidoo sheegay in waxqabadka safaaradda halkiisa kasii wadi doono, si gaarana xooga u saari doono u adeegidda muwaadiniinta Soomaaliyeed si siman una qaban doono adeeg hufan, siihayaha ayaa intaas ku daray in bilicda safaaradda iyo tayeente adeega safaaradda.

    Sawirro.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.