Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Fahad Yaasiin “Xildhibaanku hadii uusan i Raalli-gelin Qanuunkeygan ku qaadin”
    Somalia

    Fahad Yaasiin “Xildhibaanku hadii uusan i Raalli-gelin Qanuunkeygan ku qaadin”

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 14, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Kusimaha Taliyaha Nabadsugida ahna Sirdoonka Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Dahir ayaa su’aalooyin adag lagu weydiiyay kulanka Baarlamaanka, kuwaasoo qaarkood jawaabo layaab leh ka bixin.

    Fahad Yaasiin oo ka soo buuxday kulan looga hadlayay Arrimaha Ammaanka oo maanta u socoda Baarlamaanka ayaa wax laga weydiiyay arrinta xirnaanshaha waddooyinka, isagoo sheegay inuu yahay go’aan ka soo baxay Hey’addaha Amniga oo aan aheyn mid si gaar u quseeya Hey’adda NISA.

    Sidoo kale Kusimaha Taliyaha ayaa la weydiiyay su’aalo kale, oo ka mid aheyd xariggii Mukhtaar Roobow, isagoo xusay in xarigaas aanan shaqo ku laheyn, waxaana mar la weydiiyay in sababta Maxkamad loo soo taagi waayay waxaa uu ku gaabsaday inay u taalo Hey’addaha Garsoorka.

    Waxaa kaloo la weydiiyay arrimaha is bedelka Hey’adda NISA, kala diridii Ciidamadii hubeysnaa, kuwaasoo uga jawaabayay inay aheyd howlo dib u habeyn ah oo Hey’adda ku saabsaneyd.

    Kusimaha Taliyaha NISA ayaa wax laga weydiiyay arrimaha mushaaraadka iyo xuquuqda ciidamada, isagoo ku gaabsaday in arrimahan laga weydiiyo Wasaaradda Maaliyadda iyo Hanti dhowrka, waxaase uu caddeeyay in dhammaan saraakiisha mushaar la siiyay oo aanay jirin cid xuquuqdooda ka maqan tahay.

    Mr Fahad Yaasiin ayaa aad uga carooday su’aal shaqsi aheyd oo uu weydiiyay Xildhibaan lagu magacaabo Zakariye Gaashaan, waxaana uu ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu Xildhibaanka raalli gelin ka bixiyo, maadaama su’aal gef ku ah isaga iyo Hey’adda uu weydiiyay.

    “Shaqo Hey’adda dhexdeeda ah in Xildhibaan aniga i weydiiyo runtii wax aan fiicneyn waaye, sidaas darteed aniga waxaa ii muuqata Hey’adda Nabadsugida in la xurmo dareeyay in golihii dhexdiisa in su’aal nuucaan la isku dhex weydiiyay, in Hey’adda iyo aniga shaqsiyan aan u qalmin, hadalkaas wuxuu gef ku yahay hey’adda Nabadsugida shaqsiyan aniga, markii la codsanayay in aan warbaahinta la keenin Baarlamaanka su’aalo ceynkan oo kale oo aan fiicneyn ayaa ka dhalan lahaa, Mudane Guddoomiye waxaa codsanayaa Xildhibaanka inuu cudur daar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa”ayuu yiri Fahad Yaasiin.

    Kulanka Baarlamaanka ayaa weli socda, waxaana Xildhibaanada weydiinayaan su’aalaha Taliyeyaasha Ciidamada, kulankan ayaa noqonaya kii labaad ee ugu waqtiga dheeraa ee looga hadlayo arrimaha amniga dalka.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.