Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Senator Abshir Bukhaari oo si kulul ugu jawaabay Wasiir Goodax
    Somalia

    Senator Abshir Bukhaari oo si kulul ugu jawaabay Wasiir Goodax

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 19, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    MUQDISHO (IDIL NEWS)-Guddoomiye kuxigeenka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Abshir Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa dood ka keenay hadalkii ka soo yeeray Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ee ku saabsanaa arrinta imtixaanka guud ee dowladda oo ay Puntland diiday inay ka qeyb gasho iyo digniin uu u diray ardayda Puntland.

    Guddoomiye Abshir Bukhaari ayaa qodobo ka tirsan Dastuurka KMG u cuskaday hadalka Wasiir Goodax, isagoo ku tilmaamay warka ka soo baxay Goodax inuu ka hor imaanayo qodobka 54aad ee dastuurka.

    “Ilaa iyo inta heshiis federaal ah ay ka gaarayaan Xukuumadda dhexe iyo kuwa Dowlad Goboleedyada, waxaa habboon in xukuumada Federaalku ay ka fogaato adeegsashada siyaasado aan laheyn sal sharci ah oo waxyeello gaarsiin kara nidaamka Federaalka”ayuu yiri Senator Abshir Bukhaari.

    Waxaa uu ugu baaqay Wasiirka Waxbarashada inuu abbaaro arrinta Tacliinta, sida uu u furayo Dastuurka dalka, isla markaana aanay sax aheyn in Wasiirka u goodiyo wasaaradda waxbarashada ee heer Federaal inay halis u noqon karto mustaqbalka Ardayda

    “Sidaa awgeed, waxaan ku boorinayaa wasiirka in uu u abbaaro arrinta tacliinta dalka sida uu Dastuurka Dalka farayo oo ah wadaxaajood iyo iskaashi ee sax ma ahan in wasiirku ku goodiyo in wasaarada waxabarashada ee heer Federal ay halis ku noqon karto mustaqbalka ardeyda, Aniga oo tixraacaya waajibka dastuuriga ee Aqalka Sare sida ku cad Qod. 71 ee Dastuurka Federaalka iyo waajibkeyga xilgudasho sida waafaqsan Qod. 61aad Faqradiisa 1,3 waxaan cadeynayaa in farriinta halkan ku lifaaqan ee wasiir Cabdulahi Godax ay ka soo horjeedo Dastuurkeena Qod. 54″ayuu yiri Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Aqalka Sare.

    Senator Abshir Bukhaari ayaa sidoo kale yiri “Qod. 54 wuxuu xeerinayaa marka laga reebo awooda Arrimaha Dibadda, Difaaca Qaranka, Jinsiyadda iyo Socdaalka iyo Siyaasadda Lacagta, oo ay awoodeeda iyo xilkeeda yeelaneyso dowlada federaalka, in wixii ka soo hara ee awood qaybsiga siyaasadeed & dhaqaale ay wada xaajood u furan yihiin.

    Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in arrinta Tacliinta ay ka mid tahay arrimaha si gaar ah u maareysan karaan dowlad goboleedyada ama wada xaajoodka uu ka furan yahay sida ku cad qodobka 52aad ee Dastuurka, isla markaana Wasiirka Waxbarashada aanu go’aan u laheyn maareynta waxbarashada.

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.