Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»NIDAAMKA IMTIXAANKA PUNTLAND
    Somalia

    NIDAAMKA IMTIXAANKA PUNTLAND

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 20, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    3 ama Labo bilood ka hor ayey wasaarada Puntland oo kaashanaysa hay’adaha kula midoobay waxbarashada ,waxay isugu yeertaa macalimiin ka kala yimi gobolloda .Markii hoolka la yimaado waxaa macalimiinta ,sanad walba lagu tababaraa nidaamka dejinta imtixaanka gaar ahaan su’aalaha oo lagu fariisinayo Bloom’s Toxonomy kaas oo ah in su’aalaha leysu dheeli tirro (Educational Measurement and Evaluation) .Maddooyinka oo waraaqda imtixaanka laga dhigo mid leh labo ama saddex qaybood ayadoo ku xiran dabeecada maadada .

    Haddii aad la timaadid hoolka computerkaaga ,laguuma ogola inaad ku dejisid imtixaanka laakiin waxaad ka dhigan kartaa tixraac wixii macluumaad ah oo kuugu jirra.Maado walba waxaa diyaariya labo ilaa saddex macallim oo ku kala diyaariya luuqada English iyo Arabiga haddii ay jirto ku kala duwanaasho luuqadeed.Haddii kalena way isla diyaariyaan ayagoo ku qoraaya warqaddo loo qaybshey .Maadama imtixaanka la rabbo in si cadaalad ah loo saxo ,waxaa kormeeraha kooxdaada kaala falanqoonayaa sababta aad dhibcaha ugu yaraysay ama ugu badisay .

    Dhammaan maadooyinka waxay wada leeyihiin 100 dhibcood oo si teel teel ah loogu qaybiyo su’aalaha ku kala jirra qaybaha imtixaanku ka kooban yahay .Kormeeraha imtixaanka oo loogu yeero Moderator waa kan leh go’aanka su’aalaha iyo naqshada imtixaanka si meesha looga saaro in macalimiinta diyaariyey il duufaan ama ay si fudud u bixin karraan imtixaanka.

    Warqada ugu saraysa ee imtixaanka waxaa ku qoran qodobada ku waajib ah ardayga ,isla warqadaas waxaa ka mamnuuc ah in ardayga loo ogolaan karro wax warqad ah oo ka baxsan tan imtixaanka .

    Markii si wacan loo fariisiyo howsha imtixaanka waxaa sidoo kale la garab wadaa diwaangelinta oo leh sawir ,koodh,number iyo macluumaadka iskuulka ee ardaygaasu dhigto.

    Laanta imtixaanka ee wasaaradu waxay astaysaa koodhka iskuul walba ee ardaydiisu leeyahay ,sidoo kalena waxaa ardaygu imtixaanka ku galaa kaadhka macluumaadkiisu ku qoran yahay .Isla kaadhkan waxaa ku qoran laba number oo lakala dhaho code iyo register number .Code numberka waxaa loogu tala galay in ardayda lagu fariisiyo halka register numberku yahay ardayga raqamkiisa ay kusoo baxdo natiijada imtixaanku .

    Daabacaada imtixaanka waxaa iska leh howshiisa daabacada wasaarada oo ay gacanta ku hayaan laanta imtixaanku mudadaa taas oo meesha ka saaraysa in imtixaanku geli karro gacan aan xishood lahayn .imtixaanka markii la daabaco waxaa lagu buqshadeeyaa ,buqshad leh tixraac sida magaca iskuulka,maadada ,ilaaliyaha ,tirada ardayda iyo i.W.M .

    Ma jirto xog faahfaahsan oo laga ogaan karro diyaarinta iyo isku dubaridida imtixaanka marka laga reebo soo bixida jadwalka oo ay wasaaradu u sheegto si waadax ah.

    Qaybinta imtixaanka 

    Waa mashruuc dhan oo ay ku xisaabtamaan dadka rugcadaaga ah ee waxbarashada kaas oo ay gobol kastaaba iyo degma kastaaba hesho dhammaan nuquladeeda oo lagu kaydiyo hal bar ah. Imtixaanka waxaa lagu ridaa sanduuqyo qafilan ,waxaana u gelbiya goobtaas ciidan ,haddaba imtixaanka goobtaas tegey waxaa il gaar ah ku qabta isu duwaha gobolka ,guddoomiyaha waxbarashada degmada,kormeeraha guud ee imtixaanka ,maamulaha iskuulka uu yaalo imtixaanku,ciidanka iyo cid walba oo howsha ku lug leh .xaqiiqatan waa arin ay ku amaanantahay sida eexda ay uga ilaalisay wasaarada Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo leh hagida jawiga imtixaanka .

    Haddaba haddii Fadaraalku uu leeyahay ama u qaban karro howsha sidan si ka fiican,ilama aha Puntland oo sanad kastaba imtixaanka dejintiisa,qaybintiisa,ilaalintiisa,kaydintiisa iyo sixidiisa iska saarta xilkan culus ,iney diidi karto horumar ka fiican nidaamkeeda marka waxaan soo jeedinayaa intaan la siyaasadayn waxbarashada dalka in la dejiyo manhaj sidoo kalena lala yimaado nidaam sidoodoo kale ah cadaalad iyo sinnaan mid leh ,haddii kale Puntland yaan laga dhabqin howsha culus ee ay u heyso bulshada Soomaaliyeed.

    WQ: Habboon Axmed Caaalin

    IDIL NEWS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.