Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ilhaan Cumar oo markale loo haysto hadalo ay qortay
    Somalia

    Ilhaan Cumar oo markale loo haysto hadalo ay qortay

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 23, 2019Updated:April 23, 2019No Comments5 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    COPENHEGEN(IDILNEWS).Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga Mareykanka.

    Warbixin cusub oo lasoo saaray ayaa muujineysa in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii.

    Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen.

    Halkey iskala qaadeen Ilhaan Cumar iyo Donald Trump?

    Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho.

    Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baaritaanno ku sameysa arrimaha la xiriira argagixisada.

    Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii.

    “Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay.

    Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News.

    “Ciidankeennu waxay difaacayeen naftooda”
    Dadka dhaleeceeyay Ilhaan, oo ay ka mid yihiin rugcaddaayadii ka qeyb galay dagaalkaas ayaa eedeyn culus u jeediyay gabadhan oo ka mid ahayd dadkii qaxootiga ahaa ee ka tagay Soomaaliya, haddana noqotay mid ka mid ah haweenkii muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay aqalka Koongareeska.

    “Ciidankeenna aad baa looga tiro batay, waxayna u dagaallamayeen inay naftooda difaacaan. Dhammaan maleyshiyaadka Soomaalida ah waxay u carari kareen meesha ay doonaan laakiin kuweenna wax waddo ah uma aysan furneyn”, waxaa sidaas yidhi Mike Durant, oo ah sarkaal howlgab noqday.

    Mr Durant ayaa ahaa duuliyihii diyaaraddiisa dhulka lasoo dhigay 3-dii bishii Oktober ee sannadkii 1993-kii, kadibna ay afduubteen xoogaggii Muqdisho ka dagaallamayay.

    Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer jeedisay hadallo liddi ku ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, iyadoo mar sii horreysayna lagu dhaliilay inay soo qortay hadal muujinaya waxa loogu yeeray “Yahuud Naceyb”.

    Gabadhan ayaa ka mid ah siyaasiyiinta ugu firfircoon ee u dhaqdhaqaaqa xisbiga dimuqraaddiga Mareykanka.

    Doorashadii Ilhaan Cumar!!

    Ilhaan Cumar ayaa kusoo baxday doorashadii xilliga dhexe ee bishii Nofembar
    Bilo ka hor markii lagu dhawaaqay in Ilhaan Cumar ay ku guuleysatay doorashadii Maraykanka, oo ay xubin ka noqotay aqalka Koongarees-ka Maraykanka, waxaa xigay dabbaaldegyo waaweyn, maxaa yeelay waxay noqotay haweeneydii ugu horreysay ee madow oo Muslim ah oo heerkasi gaarto.

    Haatan xaalkeeda sidii hore waa uu ka duwan yahay, oo waxay maalin walba heshaa farriin cagajugleyn. Tan iyo markii la dhaariyay, Ilhaan waxaa ka soo yeeray dhowr hadal, oo Maraykanka ka abuuray duufaan siiyasadeed.

    Donald Trump, oo ol’olahiisu ku dhisan yahay soogalooti-nacaybka, ayaa si weyn uga faa’ideystay hadallada Ilhaan Cumar.

    Ilhaan iyo Yahuud nacaybka?

    Ilhaan Cumar ayaa aad loo cambaareeyay kaddib markii ay barteeda Twitter-ka ku qortay ereyo loo arkay Yahuud-Nacayb.

    Iyadoo ka jawaabeyso su’aal Twitter-ka lagu weydiiyay oo ahayd cidda maalgelisa siyaasiyiinta taageerta Israa’iil, ayay Ilhaan tiri “AIPAC”, oo ah urur u ololeeyo dalka Israa’iil oo ka dhisan Maraykanka.

    Hadalkaasi ayaa gudaha Mareykanka ka abuuray dhaleeceyn weyn, taas oo xitaa ay si weyn uga hadleen warbaahinta Israa’iil.

    Xisbiga Dimuqraadiga ayaa markiiba hindisay in arrintaasi go’aan laga soo saaro, balse warqado ay soo qoreen taageerayaasha Ilhaan ayaa sababay in xisbigu baddelo mwoqifkiisii, oo waxaa uu cambaareeyay wax kasta oo ku salaysan nacayb.

    Trump ayaa arrintaasi u arkay fursad cusub, oo waxaa uu weerar ku qaaday Ilhaan, isagoo ka codsaday inay iska casisho guddiga awoodda badan ee arrimaha dibedda ee Congress-ka Maraykanka.

    Maalin kaddib ayay Ilhan sheegtay inay ka cudu-daaratay hadalkii ay tiri.

    Ilhaan Cumar iyo weerarradii 9/11?

    Ilhaan ayaa marar badan lagu dhaliilay qoraallo ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka
    Ilhaan Cumar waxay ka qeyb-qaadatay xaflad lacag loogu ururinaayay Muslimiinta Losels, halkaas oo laga dhigay dibedbaxyo looga soo horjeedo. Dibedbaxayaasha ayaa ku dhawaaqayay “hal-ku-dhagyo ay ka mid ahaayeen “Ilhaaney Naarta gal”.

    Hasayeeshee, arrinta aad loo hadal hayay ayaa ahayd khudbaddii ay goobtaas ka jeedisay.

    Waxay sheegtay in Muslimiinta loola dhaqmo muwaadiniin darajada labaad ah sababtana ay tahay “dad baa horey wax u sameeyay”.

    Trump wuxuu soo qaatay muqaalka Ilhaan Cumar oo hadleysa, wuxuuna ku dhex-daray muuqaal kale oo ku saabsan weerarkii 9/11. Wuxuu hadalka Ilhaan Cumar u fasiray inay yareysanayso weerarradaasi, taasi oo sababtay in Ilhaan Cumar loogu hanjabayo dil.

    Stephen Miller waa “waddani caddaan ah”

    Ilhaan Cumar ayaa Twitter ku soo qortay hadal ka dhan ah la taliyaha uu aadka u aaminsan yahay Madaweyne Trump ee lagu magacaabo Stephen Miller. Waxay ku eedeysay

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.