Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»10-Qof Ee Ugu Da’da Yar Bilyaneerada Dunida
    Somalia

    10-Qof Ee Ugu Da’da Yar Bilyaneerada Dunida

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 24, 2019No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qoysas badan oo is-dhaxley, kuwa ganacsi wadaaga iyo bilowga ganacsiga teknoolajiyadu waxay intuba suurto galiyeen iney abuurmaan dhalinyaro haysata balaayiin dollar taariikhda hantiilayaasha markii ugu horeysay.

    Daraasada ay samaysay shirkada Forbes ayaa ogaatey in bilyaneerka ugu da’ yar dunidan uu jiro 22 sano oo kaliya iyadoo bilyaneer kale oo 31 sano jira isna ka mid yahay 10-ka bilyaneer ee ugu da’da yar Dunida.

    Kylie Jenner oo kasoo jeeda America ayaa hantideeda ka samaysay waxyaalaha dumarku isku qurxiyaan iyo bandhigyo ay ku lahayd war-baahinta ayaa noqotey bilyaneerkii labaad oo dhalinyaro isla markaasna sameeya hanti intaas le’eg iyadoo kaashatey kartideeda hal-abuur iyo shakhsiyadeeda, Waxaa uga horeeyey doorkaan Mark Zuckerberg aasaasaha ahna maamulaha shirkada Facebook oo isagana 2006 loo aqoonsadey bilyaneerka da’da yar “23 sano” ee isagu isa-soo-saareey ama kartidiisa ku sameeyey hantida uu maanta haysto halka dhalinta bilyaneerada ah intooda badan iyagu kaalmo ama dhaxal ka heleen hantida qoysaskoodu horey u sameeyeen. Kylie Jenner ayaa hadda hantideedu waxay dhan tahay 1 bilyan oo dollar iyadoo da’ahaana jirta 22 sano.

    Dabayaaqadii sanada 2018 Waxaa lagu qiyaasey tirada bilyaneerada dunida ee ka yar 40 sano iney yihiin 63 ganacsade oo isu gaynta hantidoodu noqonayso $265 bilyan taasoo 3% ka noqonaysa hantida guud ee bilyaneerada dunidu haystaan.

    Wadarta Hantida & Bilyaneerada ka yar 40 sano iyo koritaankooda u dhexeeyay sanadihii 2015 ilaa October 2018.

    Hadaba halkan ku ogow 10 bilyaneer ee dunida ugu da’ yar, ganacsiga ay ka hodmeen iyo cadadka hantidoodu dhan tahay.


    1. Alexandra Andresen

    Da’da: 22 Sano

    Wadarta Hantida: $1 Bilyan & 400 Malyan.Gabadhan oo kasoo jeeda Dalka Norway waxay dhalatey Sanadii 1996 Waxay Ka Mid Tahay Bilyaneerada Ugu Da’da Yar Dunida, Hantideedu Waxay Kasoo Jeeda Aabaheed Johan H.

    Andresen Jr. Oo lahaa Shirkada Ferd Oo Maal-gashata Kana Ganacsata Dhismaha Guryaha & Sarifka Lacagaha Qalaad, Alexandra iyo walaasheed Ayaa Aabahood Ka Helay Maal-galin dhan boqolkiiba 42% Lahaanshaha Shirkada Is dibna Dhaxladey Saamigii Kale Ee Shirkada Ka Dib Markuu Aabahood Geeriyoodey.


    2. Katharina AndresenDa’da: 23 Sano
    Wadarta: $1Bilyan & Malyan.Khatharine Andersen waa gabadha labaad ee bilyaneer ah oo dunida ugu yar kaliya walaasheed ayaa ka yar oo la yiraahdo Alexandra oo dhaxashey 42.2% hantidii Aabahood Ferd.


    3. Gustav Magnar Witzoe Da’da : 25 Sano
    Hantida : $1Bilyan & 900 Malyan.
    Gustav Magnar Witzoe Oo qayb ka ah shirkada SalMar ASA Oo Dabata, Xirmaysa Isla Markaasna Tarmisa Si Ay U Warshadayso Kalluunka. Saamigaan Waxaa Siiyay Aabihiis Magnar Witzoe Oo Isagu Aasaasey Shirkadaan 1991 Walina Maamula Shirkada Halka Wiilkiisa Gustav Uu Maalgashadey Dhismaha Guryaha Ganacsiga ah iyo Teknoolajiyada.


    4. Evan Spiegel Da’da: 28 Sano
    Hantida: $4 Bilyan & 100 Malyan.
    Evan Spiegel Wuxuu Wax Ka Aasaasey Isla Markaasna Maamulaa Shirkada Snap Inc. Oo Leh Duubista & Kaydinta Muuqaalada Adeega Golaha Bulsho Ee La Yiraahdo SnapChat. Spiegel Wuxuu Jaamacada Stanford Ka Bartey Nakhshadaynta Barnaamijyada Aaladuhu Ku Shaqeeyaan, Waxaa Shirkada La Leh Lana Aasaasey Bobby Murphy.

    5. Ludwig Theodor Braun
    Da’da: 28 Sano
    Hantida: $1Bilyan & 700 Milyan.
    Ludwig Theodor Wuxuu 10% Ku Leeyahay Shirkad Soo Saarta Qalabka Caafimaadka Oo La Aasaasey 1839 kana bilaabantey Farmashi yar oo daawo dhaqameedka gada laakiin hadda noqotey shirkad balaaran oo qalabka caafimaadka soo saarta, Aabihiis ayaa shirkadaas mulkiyadeeda la wareegay 1977.


    6. John Collison
    Da’da: 28 Sano
    Hantida : $1Bilyan
    John Collison waa mulkiilaha hadda ahna qofkii labaad Ee wax ka aasaasey shirkada Stripe shirkadaasoo nakhshadaysa barnaamijyada lagu maamulo ganacsiga ee kuwaasoo sahlaya in lagu isticmaalo website-yada si ay ula shaqeeyaan kaararka wax lagu gato iyo hanaanka banuugta.


    7. Patrick Collison
    Da’da: 30 Sano
    Hantida $1Bilyan
    Patrick waxay walaalo yihiin John Collison waana qofka labaad oo wax ka aasaasey shirkada Stripe een horey uga soo hadalney iney shirkadaha iyo shakhsiyaadka u sahasho iney lacagaha ku bixiyaan iyagoo inticmaalaya internet.


    8. Bobby Murphy
    Da’da: 30 Sano
    Hantida: $4 Bilyan & 200 Malyan
    Bobby Murphy Wuxuu Wax Ka Aasaasey Shirkada Snap Inc. Waana Ninka Wax Ka Hirgaliyey Suuqana Barey, Wuxuu Ka Da’ Waynaa Kana Waayo Aragsanaa Saaxiibkiis Ay Wada Aasaaseen Shirkada Oo La Yiraahdo Spiegel Wuxuuna Ku Takhasusey Cilmiga Xisaabaadka & Kambiyuutarada Oo Uu Kaga Baxay Jaamacada Stanford.

    9. Wang Han
    Da’da 30 Sano
    Hantida: $1Bilyan & 200 Malyan.
    Wang Han Wuxuu Dhaxley Hanti Saamiyo Ay Ku Lahaayeen Shirkada Juneyao Air Oo Ah Shirkad Diyaaradeed Oo Saldhigeedu Yahay Shanghai, Hantida Uu Dhaxley Waxaa Ka Dhintey Aabihiis Oo Aasaasey Dhawr Shirkadood Oo La Isku Yiraahdo Juneyao Group Kuwaasoo Qaybtood Ka Ganacsan Jireen Ganacsiyo Badeeco Kala Duwan Oo Jumlo & Tafaariikh Ah, Waxbarashada & Cuntadaba Leh.


    10. Eva Maria Braun-Luedicke
    Da’da: 31 Sano
    Hantida: $2 Bilyan
    Eva Maria Braun-Luedicke Wuxuu 12% Saami ah Ku Leeyahay Shirkada Braun Melsungen taasoo samaysa irbadaha duriinka & Qalabka Qaliinka Shirkadaas Oo Faaiidey Samaysayna iib badan oo gaaraya $7 Bilyan iyo 900 malyan sanadii 2007 oo kaliya.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.