Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Maxaa kasoo baxay kulankii Khamiislaha Golaha Wasiirada Somaliland?
    Somalia

    Video:-Maxaa kasoo baxay kulankii Khamiislaha Golaha Wasiirada Somaliland?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 25, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Shirkan golaha Wasiirada waxa shir gudoominayey Madaxweyne Muuse Biixi oo uu ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (saylici), waxaana ugu horeyn warbixintiisa soo jeediyey wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire.

    Wasiir Shire wuxuu is barbar dhig ku sameeyey saddex biloodkii sannadkii hore Jan-march ee 2018-ka iyo saddex biloodka sannadkan 2019-ka ee bilaha Jan-march, waxaanu isdul taagay wasiirku isbedelka sanadkani ku yimid arrimaha dhoofka (Export) iyo soo dejinta (Import) oo aad uga sareeya wakhtigan marka la barbar dhigo saddex biloodkii sanadkii tegay.

    Waxa kale oo wasiirku uu xusay in hoos u dhac weyni ku yimid arrimaha sicir bararka (Inflation) oo isbedel balaadhan laga gaadhay marka loo eego sanadkii hore bishii march oo uu ahaa 18.9% halka sanadkan bisha march ka ahaa 7.0%. waxaanu wasiirku iftiimiyey in dhakhliga saddex biloodka Jan-March ee sanadkan 2019-ku uu sameeyey kor u kac gaadhaya 43%, marka la barbar dhigo saddex biloodkii Jan-march ee 2018-kii.

    Dhinaca kale waxa goluhu warbixin ka dhegeysteen wasiirka Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed oo sharaxay xaaladda roob yaraanta ee sanadkan iyo dib u dhac ku iman doona wax beerista dalagyadii loo qorsheeyey inay ku baxaan roobabkii la filayey inay ku daโ€™aan wakhtigii la sugayey sannadkan, waxaanu xusay wasiirku inay xooga saari doonaan beerista midhaha ku baxaya wakhtiga kooban sida qamandiga, gallayda IWM.

    Sidoo kale wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha, Mudane Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa golaha u akhriyey warbixin la xidhiidha safar uu dhawaan ku soo maray qaar ka mid ah gobollada bariga, waxaanu wasiirku ku dheeraaday biyo yaraan soo foodsaartay dadka iyo duunyada ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Saraar iyo baahida ay u qabaan inay helaan biyo ku filan wakhtigan.

    Ugu danbayn goluhu isaga oo ka duulaya dareensanna ahmiyada ay doorashooyinku u leeyihiin qaranka Somaliland iyo inay ku qabsoomaan wakhtigoodii, waxay goโ€™aamiyeen in hab sharciga waafaqsan looga gudbo caqabadaha siyaasadeed iyo dhaqaale ee ku gudban arrimaha doorashooyinka la filayo inay dalka ka qabsoomaan sannadkan.

    Xigasho:-Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    ๐—ช๐—ฎ๐—ณ๐˜๐—ถ ๐˜‚๐˜‚ ๐—ต๐—ผ๐—ด๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—บ๐—ถ๐—ป๐—ฎ๐˜†๐—ผ ๐—ช๐—ฎ๐˜€๐—ถ๐—ถ๐—ฟ ๐—๐˜‚๐˜…๐—ฎ ๐—ผ๐—ผ ๐—ด๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐˜† ๐——๐—ต๐—ฎa๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.