Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Qaraxyo kale oo ka dhacay Sirilaanka
    Somalia

    Qaraxyo kale oo ka dhacay Sirilaanka

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 27, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maydadka 15 qof oo ay ku jiraan lix carruur ah ayaa la helay kaddib qarax ka dhacay goob laga shakisan yahay inay isku qarinayeen maleeshiyaad xagjir ah oo ku taal bariga Sri Lanka, saraakiisha ayaa sidaasi sheegay.


    Booliska ayaa sheegay in dadka dhintay ay sidoo kale ku jiraan saddex haween ah oo la rumaysan yahay inay qeyb ka yihiin qoysaska maleeshiyaadka laga shakisan yahay.


    Dadka aaggaasi deggan ayaa sheegay inay maqleen qaraxa xigay rasaas socotay muddo saacada ah.

    Iska hor imaadka ayaa ka dhacay magaalada Sainthamaruthu, halkaas oo aanan ka fogayn magaalada uu ka soo jeedo ninka looga shakisan yahay inuu soo maleegay qaraxyadii Axaddii.

    Isla waqtigaas ciidammada ammaanka ayaa waxa ay galeen guri kale oo ku yaal magaalo magaaladaasi u dhaw halkaas oo la sheegay in laga soo helay walxaha qarxa iyo qalab duula oo aanay cidina wadin.

    Dowladda Sri Lanka ayaa heegan sare ku jirtay tan iyo qaraxyadii xiriirka ahaa ee la soo abaabulay ee Axaddii la soo dhaafay galaaftay nolosha ugu yaraan 250 qof in ka badan 500 oo qofna ay ku dhaawacmeen.

    Qaraxyada ayaa waxaa lagu qaaday saddex hoteel oo nooca loo tamashlaha taga ah iyo saddex kaniisadood oo ay ka buuxeen dad xusayay debaaldegga ciidda masiixiga ee Easter.

    Mas’uuliyiinta ayaa waxa ay eedda weerrarada dusha kaga tuureen urur xagjir ah oo lagu magacaabo National Tawheed Jamath, walow ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah uu sheegtay inuu qeyb ka lahaa mas’uuliyadda weerrarada.

    Ciidammada ammaanka ayaa sheegay inay howlgallo ka fuliyeen dhowr magaalo oo dalka ah tan iyo qaraxyadii halkaas ka dhacay, hasayeeshee saraakiishu waxa ay sheegayaan in aanan weli lahayn tobannaan qof oo kooxahaasi u beer jileeca.

    Sidey wax u dhaceen?Booliska Sri Lanka ayaa goor sii horraysay sheegay inay rasaas iswaydaarsadeen koox hubaysan oo ku sugan bariga dalka xilli ciidammadu ay baarayeen dadkii ku lugta lahaa qaraxyadii Axaddii.

    Afhayeen u hadlay milateriga ayaa sheegay in qarax uu sidoo kale dhacay xilli boolisku uu howlgal ka fulinayay magaalada Ampara Sainthamaruthu, ee u dhaw Batticaloa.

    Howlgal kale oo laga fuliyay meel aanan halkaa ka fogeyn, ayuu boolisku sheegay in la soo qabtay walxa qarxa iyo tuute ay leeyihiin ururka la baxay Dowladda Islaamiga ah.

    Goor sii horraysay ra’iisul wasaaraha Sri Lanka ayaa waxa uu sheegay in aanan la soo sheegin wax digniinna ah oo ku saabsan qaraxyadii dhacay.
    Ranil Wickremesinghe ayaa waxa uu BBC u sheegay “inuusan wax war ahba hayn” oo digniinaha sirdoonka ah ee muhiimka ah ma ay jirto cid inoo soo gudbisay.

    Dowladda Sri Lanka ayaa waxa ay guud ahaan dalka u daadguraysay 10,000 oo askari si loo baacsado dadkii ka dambeeyay weerrarada iyo weliba sidii lagu sugi lahaa ammaanka goobaha lagu cibaadaysto.

    Waxaa aad loo adkeeyay ammaana masaajidda intii lagu guda jiray salaaddii Jimcaha, xilli Muslimiinta aanay masaajidda teginba cabsi ay ka qabaan in lagu soo qaado weerraro aargoosi ah.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    June 22, 2025

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Weerarada Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii 9- Aad galay

    Faallo:-Maxay tahay ujeedada Netanyahu Ee dagaalka Iran?

    Goley oo buuxiyay booskii Seneter Gaagaab ka Geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.