Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Video:-Shir looga xaajoonayo Abaaraha oo ka furmay Garowe
    Somalia

    Video:-Shir looga xaajoonayo Abaaraha oo ka furmay Garowe

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 30, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyay kulan deg deg ah oo looga hadlayey xaaladda Abaaraha Puntland, taas oo sababtay biyo la’aan baahsan, xanuuno dillaacay, nabaad guur baahsan oo dalka ka dillaacay iyo nafaqo darro dadka iyo duunyadaba ah.

    Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Ah ayaa kulanka ka warbixiyey.

    “Waxaa ka soo qayb-galay dhammaan hay’addaha wadanka ka howlgala, UN-ka, kuwa maxalliga ah iyo kuwa dowliga ahba, kulanka ayaa waxaa gundhig u ahaa in si dhab ah looga tashado waxa ugu deg degga badan ee laga qaban karo Abaarta”.

    “Insha Allah Eebbena waxaan ka rajaynaynaa inuu Roobkiisa iyo Raxmaddiisa naga soo gaarsiiyo, shirku arrimahaas ayuu ku saabsan yahay, asbuuc walba shirarkaan waan qaban doonnaa, illaa inta xaaladda wadanku iska bedalayso”. Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange.

    Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hay’addaha kala duwan ee shirka joogay faray inay si dhammaystiran ugu howl-galaan waxka qabashada xaaladda Abaaraha Puntland.

    Ugu dambayn, Shirku intuu socday waxaa lagu soo bandhigay warbixin dhammaaystiran oo ka hadlaysa xaaladda Abaaraha Puntland, waxaana lagu muujiyay biyo dhaammin dowladdu ay ka samaysay dhammaan gobolada Puntland, inkastoo baahida Abaartu ay tahay mid ballaaran oo u baahan in loo wada-howlgalo,hoos ka daawo muuqaalka.

    Halkan hoose ka daawo muuqaalka

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.