Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan Wasiirka cusub Ee Ganacsiga?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan Wasiirka cusub Ee Ganacsiga?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 1, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Enjineer Abdullahi Ali Hassan ayaa maanta shaacin rasmi ah oo kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre loogu magacaabay wasiirka wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha. ayaa wuxuu ka mid yahay aqoonyahanadii waxgalka ahaa ee wixii ka dambeeyay burburkii dowladdii dhexe ee Soomalia 1991 u istaagay dhinaca horumarinta bulshada rayidka ah iyo u adeegida shacabka Soomaaliyeed ee ay aafeyeen dagaalada sokeeye, dowlad la’aanta, fatahaada, abaaraha iyo gaajada isagoo ku howlanaa gargaarka beni’aadinimada iyo samatabixinta bulshada dhibaateysan 20 sano ee la soo dhaafay.


    Waxbashadiisa asaasiga iyo mida sare wuxuu kusoo qaatay magaalada Muqdisho, halka waxbarashadiisa jaamacadeed uu ka qalin jabiyay jaamacadda State University Of New York ee Suny Albany, wuxuuna macallin uu kasoo noqday jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed oo ay isaga iyo aabihiis macallimiin ka wada ahaayeen allaha u naxariistee Prof. Cali Xasan.


    Laga soo bilaabo sanadkii 1990 ilaa iyo hadda waxa uu ku howlanaa u gargaaridda dadka Soomaaliyeed ee dagaalada iyo abaaraha saameeyeen. wuxuuna mudooyinkii u danbeeyay ahaa agaasimaha Hay’adda Waxbarashada iyo Hormarinta ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaano CED oo ah hay’ad maxalli ah oo ka shaqeeysa arimaha gargaarka bani’aadanimada, wuxuu horay u ahaa Madaxii Barnaamijyada iyo Mashaariicda isla markaana ah xubin kamid ah Maamulka Sare ee Hay’adda DBG sanadkii 1996-kii.


    Mudadii aadka u fogeyd wuxuu ku lug lahaa arimaha samafalka iyo gargaarka bani’aadanimada Eng. Cabullahi Cali Xasan waxa uu wax la taaban karo u qabtay shacab farabadan oo Soomaaliyeed oo aad u liitay kuwaaasi oo u badnaa haween, caruur iyo dad da’ ah.

    Enjineer Abdullahi ayaa lagu yaqaan inuu yahay hoggaamiye nadiif ah oo la imaan kara isbedel muuqda iyo horumar howsha loo igmaday. Waa aqoonyahan qunyarsocod ah, howlkar ah, go’aan qaadasho leh oo balamadana ku fiican wuxuuna ka tirsan yahay bulshada rayidka ah.
    Dadka yaqaan Aqoonyahankaan ayaa ku sifeeyey in uu yahay shaqsi isku darsaday diin jacayl, wadaninimo, daacadnimo, hoggaan suuban, aqoon iyo howlkarnimo waxyaabaha lagu soo xushayna ay u badan yihiin intaas.
    Waa shaqsi waayo arag ah, bisayl siyaasadeed iyo mid aqooneed intaba u leh maamulka iyo hoggaaminta, isla markaana isku darsaday khibrad maamul iyo mid hoggaamineed oo waqti dheer ah.


    Ugu danbeyntii, Eng. Abdullahi ayaa waxaa uu ka mid ahaa murashaxiintii madaxweyne ee 2017-kii, balse u tanaasulay isagoo eegaya danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo xiligii lagu jiray ee kala guurka.


    W/qoray: Cali Muhiyaddiin Cali
    Muxiyaddiin@hotmail.com

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.