Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo
    Somalia

    Madaxweyne Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Kismaayo

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyMay 2, 2019Updated:May 2, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka JubbalandMudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo gaba gabeeyay Safar shaqo oo maalmahii lasoo dhaafay uu ku joogay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya iyadoo uu garoonka diyaaradaha ee Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Luga dheere xubno katirsan labada gole ee Dowlada iyo dadweyne kale.

    Soo dhawayn kadib Madaxweynaha ayaa sheegay in uu Magaalada Nairobi kula kulmay Masuuliyiin kasocday Beesha Caalamka iyo is arag ay yeesheen madaxda dowlad Goboleedyada kaas oo salka ku hayay sidii xaalada uu wadanku ku sugan yahay horay looga dhaqaajin lahaa isla markana qof walba uu dib u eego marxaladahii adkaa ee dalku uu soo maray iyo in aan marna dib loogu noqon.

    Waxaa uu Madaxweynahu intaas ku daray in shirkaas uu kasoo baxay in Shir Siyaasadeed oo Siyaasada dalka iyo habka ay ku socoto lagaga hadlayo uu ka dhaco Magaalada Garowe waxaa uu sheegay Madaxweynahu in Siyaasada oo aan heshiis lagu ahayn aan xal laga gaari karin Arimaha doorashooyinka dib u habaynta Dastuurka qaybsiga awoodaha dhaqaale iyo dhamaan waxyaabaha danta weyn u ah dalka.

    Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka hadlay Arimaha Amniga ee Jubbaland isagoo sheegay in xaalada Jubbaland mar walba la saadalinayay in xalkeeda iyo nabadgalyadeedu dheeranayso iyadoo loo sababaynayo kala duwanaanshaha qabaa’ilka deegaanka balse dadaaladii iyo dib u heshiisintii la sameeyay ay wax badan ka tartay wadajirka iyo isku duubnida Bulshada taas oo ilaa hada loo baahan yahay joogtaynteeda si aan dib loogu noqon.

    Waxaa Madaxweynahu uu ka digay in xaalado Amniga lid ku ah iyo qulqulatooyin laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho taas oo cida ku lugta leh ay masuuliyadeeda iyo waxa ka yimaada qaadayso.

    Arimaha Doorashooyinka ayuu xusay Madaxweynahu in ay dhici doonto doorasho xalaal ah oo cad isla markana sharciga la raacayo qofkii ku guulaystana uu si rasmi ah masuuliyada ula wareegi doono taas oo ka dhigan in qofka xilka qabtaa uu halkiisa kasii wadayo Dowladnimada iyo sharciga halka markii hore meel ebar ah wax laga bilaabay sida uu madaxweynahu sheegay dadweynaha Xasiloonidooda iyo hormarka la gaadhay ayuu xusay in loo bahan yahay in la ilaaliyo oo dano gaar ah aan dib loogu celin.

    .

    Dhamaaaaad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    November 19, 2025

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    November 19, 2025

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    November 19, 2025
    Latest Posts

    Maalgelin $Trillion ah oo Sacuudigu ku maalgashanayaa Maraykanka.

    Saxaafada caalamka oo isku soo subway Puntland

    Warbixin ay soo saartay Jaamacadda AMERICAN UNIVERSITY oo looga hadlay guulaha Ciidamada PL

    Faahfaahin duqaymo lala beegsaday firxadka argagixisada

    Faah-faahin dheeraad ah Miisaaniyadda sanadka 2026 Ee Puntland

    Somaliya oo codkeeda ku biirisay Qasa in la geeyo Ciidan shisheeye

    Palestinian Authority welcomes UN Security Council resolution on Gaza

    𝗪𝗮𝗳𝘁𝗶 𝘂𝘂 𝗵𝗼𝗴𝗴𝗮𝗮𝗺𝗶𝗻𝗮𝘆𝗼 𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗝𝘂𝘅𝗮 𝗼𝗼 𝗴𝗮𝗮𝗿𝗮𝘆 𝗗𝗵𝗮a𝗱𝗮𝗮𝗿

    Wasaarada Arimaha gudaha oo go’aan ka gaartat khilaafka Golaha Deegaanka

    Ciidamada Puntland oo qaaday hawlgal culus

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.